Macallin toogtay Arday markii ay imtixaan ku murmeen

0
67

Macalin wax ka dhiga iskuul ku yaala dalka Bangaladesh ayaa shaqada laga joojiyay, laba maalmood ka dib markii la sheegay in uu toogasho ku dhaawacay arday ku jiray fasal.

Raihaan Sharif ayaa la xidhay wax yar ka dib balse waxaa shaqada laga joojiyay Arbacadii shalay ka dib dibad bax ay sameeyeen arday wax ka barata kuliyada caafimaadka oo ah halka uu falku ka dhacay.

Ardayga dhaawaca ah ayaa lagu sameeyay qaliin, waxaana uu weli ku jiraa isbitaalka.

Maxallinkii Dr Sharif waxa la dhigay xabsiga booliska.

Sida ay ku warameen warbaahinta maxalliga ah ardayga la toogtay Carafaat Amiin Tomal, oo 23 jir ah, waxna ka barta kulliyadda caafimaadka oo ku taal Sirajganj, ee waqooyi-galbeed ee Bangladesh, ayaa muran dhex maray isaga iyo Dr Sharif, xilli uu ku guda jiray imtixaan afka ah(oral) Isniintii.

Intii uu socday Imtixaanka ayaa la sheegay in Dr Shariif uu la soo baxay Bastoolad kadibna uu ka toogtay ardayga waxaanay kaga dhacday Jilibka Midig, sida ay wararku sheegayaan.

Rasaasta ayaa la sheegay inay haleeshay Mobilka gacanta ee Mr Amin, ugu jiray jeebka surwaalka, taas oo ka badbaadisay dhaawacyo halis ah oo naftiisa halis gelinaya, sida uu sheegay wargeyska Daily Star ee ka soo baxa Bangladesh, oo soo xiganaya booliska.

Sida laga soo xigtay wargeyska Dhaka Tribune, ardayda fasalka oo ka koobnayd 45 arday ayaa ku soo yaacay markii falku dhacay. Waxay u yaaceen si ay u caawiyaan, macalinkii qol ayay ku xidheen, waxaanay u yeedheen booliiska, ardaygiina cusbitaal.

Dr Sharif ayaa markaas la xidhay oo xabsiga la dhigay. War qoraal ah oo ay soo saareen booliisku waxay ku sheegeen in Dr Sharif “ku toogtay ardayga bastoolad sharci darro ah”.

Booliska ayaa sheegay in ay qabteen Bastooladii uu watay iyo sida oo kale bastoolad labaad, 81 xaba oo rasaas ah, afar khasnadood, laba mindi, oo la sheegay in ay ka heleen boorsadiisa.

Waxa ay intaasi ku dartay in Dr Shariif lagu eedeeyay in uu hub u soo qaadan jiray kulliyada, kaasi oo uu soo bandhigi jiray xiliyada ay casharada bixinayaan.

Dhacdadan ayaa argagax ku beertay dalka Bangaladesh, waxaana ay dhaliyeen cambaareyn ballaadhan oo ah in macalinka laga joojiyay shaqadii uu hayay laba maalmood kadib markii falka lagu eedeeyay uu dhacay.

Joojintiisa ayaa ka dambeysay ka dib markii ay ka gadoodeen ardaydii wax ka baranaysay dugsiga caafimaadka, waxayna ka dalbadeen in si deg deg ah shaqada looga eryo, ciqaab adagna loo marsiiyo.

Booliska ayaa sheegay in la sameeyay guddi gaar ah oo soo baara duruufaha ku xeeran dhacdadan. Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa naadir ku ah dalka Bangladesh, halkaas oo lahaanshaha iyo adeegsiga hubka ay dowladdu si adag u maamusho.