Wasiirka Biyaha iyo Masuuliyiinta Hay’adda UNICEF oo Kawada Hadlay Horumarinta Adeeg Bixinta Biyaha Dalka

0
67

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley masuuliyiinta sare sare ee hay’adda UNICEF. Shirkan laba geesoodka ah ee dhexmaray wasiirka iyo madaxda hay’adda UNICEF, ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda biyaha gaar ahaan xafiiska wasiirka.

Kulankan ayaa intii uu socday lagu Lafa-guray xoojinta iyo dardar-gelinta Mashaariicda biyaha ee ay fulintooda iska kaashadaan wasaaradda biyaha iyo hay’ada UNICEF, kuwaas oo isugu jira mashaariicda dhammaaday ee qorshayaashoodii fulinta lagu guuleystay iyo kuwa hadda socda ee wali gacanta lagu hayo sidii xil weyn la iskaga saari lahaa dhammeystirkooda.

Geesta kale intii shirkani socday waxa diirada lagu saaray xoojinta iyo kor u qaadista xidhiidhka shaqo ee labada dhinac iyo sidii loo dardar galin lahaa mashaariicda dhanka Biyaha ee ay fulintooda iska kaashadaan haya’dda UNICEF iyo Wasaaradda Biyahu ee ka socda guud ahaan dalka iyo sidii bulshada reer Somaliland loo gaadh siin lahaa biyo kufilan oo nadiifa.

Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, ayaa mudadii uu joogay wasaaradda waxa uu shirar kala duwan la galay hay’addaha waddaniga iyo kuwa caalamiga ah ee kala shaqeeya mashaariicda lagu horumarinayo xagga biyaha, waxaanu kulamadii uu la qaatay ku faray inay xooga saaraan hawl socodsiinta shaqooyinka socda.