Taliyayaasha Ciidamada Dalka oo la Faray Adkaynta Amniga Xuduudaha

0
75

Hargeysa (Dawan) Wasiiradda wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Rooble Muuse Cabdi, ayaa taliyayaasha ciidamada dalka ee kala duwan kala shiray adkaynta amniga xuduudaha JSL la leedahay dalalka jaarka.

Wasiiradan ayaa faray taliyayaasha ciidamada Qaranka in ay laban laabaan shaqada amniga xuduudaha dalka, taasi oo ahmiyad weyn u leh nabadgelyada mandaqada iyo ta geeska Afrika ba.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyay isla markaana lagu falanqeeyay muhiimada ay Qaranka u leedahay sugida iyo ilaalinta amniga xuduudaha dalka, taasi oo wax weyn ka taraysa in ay si nabadgelyo ah u socdaan adeeg bixinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhaxeeyay Somaliland iyo dalalka la jaarka ah.

Geesta kale waxa ay wasiiradu ka codsadeen qaybaha kala duwan ee bulsho-weynta reer Somaliland, inay taliyayaasha iyo ciidamadaba gacan ku siiyaan ilaalinta nabadgelyada iyo inay markasta ku soo wargeliyaan wixii ay uga shakiyaan inay nabadgelyada nashuushadaynayaan.

Gaba-gabadii taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa wasiirada siiyay warbixino la xidhiidha xaalada guud ee dalka iyo sugida amniga iyo sida ay mar kasta ciidanku heegan ugu yihiin ilaalinta wixii nabadgelyada waxyeelaya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada kala duwan ee Somaliland diyaargarow ugu jiraan xuska maalinta Qarannimaa Somaliland ee 18-ka May.