Xisbiga KULMIYE oo Shir ka Yeeshay u Diyaargarowga Doorashooyinka Dalka

0
83

Hargeysa (Dawan)- Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE ayaa shalay shir ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga ee caasimadda Hargeysa, shirkaasi oo masuulyiinta xisbigu ay ku falanqeeyeey u diyaargarowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda ee xeerarkooda la dhammaystiray oo Madaxweynaha Somaliland saxeexay.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed Kaahin oo ka hadlay kulankan ay iskugu yimaadeen gudida fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye diyaar u yahay in uu ka qayb galo doorashooyinka, isla markaana ku galo si waafaqsan shuruucda dalka u taalla.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed Kaahin oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gudida fulinta ee Xisbiga Kulmiye waxa ay caddaynayaan oo ay taageerayaan oo Xukuumadda ka dhisan Xisbiga Kulmiye diyaar u yihiin qabsoomida doorashada Madaxweynaha iyo Ururada Siyaasada oo Xisbigu diyaar u yahay oo markhaati fur ay ka tahay xeerkii doorashada ee Madaxweynuhu saxeexay.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed Kaahin waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu doorashooyinka dalka hormood ka ahaa laga soo bilaabo ilaa sannadkii 2002-kii, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye waxa uu hormood ka ahàa doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo ilaa 2002 doorashooyinkii dalka ka dhacay, Maanta shaki la’aan isaga oo diyaarsan waxa uu u diyaar garoobay xiliga doorashada ay qabanayaan guddida doorashooyinka. waxaana Xisbiga Kulmiye diyaar u yahay in uu doorashada ku galo si waafaqsan shuruucda dalka u taalla”.