Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaad JSL oo Daawooyin loogu talo galay Xannuunada Faafa kala Wareegay Hay’adda WHO

0
100

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa   daawooyin Caafimaad oo loogu talo-galay wax ka qabshada xanuunada faafa   kala wareegay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Munaasibad kooban oo ka qabsoontay xarunta kaydka daawooyinka   waxaa  goobjoog ahaa agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, masuuliyiin ka socotay hay’adda WHO, agaasimaha waaxda adeega Caafimaadka iyo cisbitaalada ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda, madaxa kaydka daawooyinka qaranka iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo daawooyinka kala wareegay hay’adda Caafimaadka aduunka WHO, ayaa sheegay in ay daawooyinkani wax weyn ka tari doonaan daadala ay wasaaraddu ugu jirto wax ka qabashada xanuunada faafa, xiliyada roobaabka, daawooyikana ay wasaaraddu sida ugu macquulsan u gaadhsiin doonto gobollada dalka.

Waxaanu yidhi. “Xaaladaha la filayo xilli roobaadyada inay soo kordhaan, sida xannuunada faafa ee Shuban biyoodka, waxaanu ka mid yahay xannuunada marka ay dilaacaan keeni kara dhimashada, si deg deg ahna u galaafan kara nolosha bini’aadamka.

Waxa aanu hay’adda WHO kala wareegayna agabka iyo daawooyinka lagaga hortago haddii ay yimaadaan xaaladaha Shuban-biyoodku, qaybo kala duwana waxa aanu filayna in maalmaha soo socda ay ina soo gaadhaan, si deg degna waxa aanu u gaadhsiin doona haddii ALLE Qadaro gobollada kala duwan ee dalka, geesta kale waxa aanu bilaabi doona wacyigelin la xidhiidha ka hortaga Shuban-biyoodka, oo ay ugu horayso nadaafada, qof ahaaneed, qoys ahaaneed iyo ta bulsheedba iyo in dadka la siiyo biyo nadiifa oo aan lahayn wax bagteeriya ah.

Bulshada waxa aanu farayna in ay hubiyaan goobta ay ka cabayaan in ay tahay meel nadiifa, oo haddii aanay haysan biyo nadiifana ay karkariyaan, gobollada dalkana waxa aanu farayna in masuuliyiintoodu u diyaar garoobaan haddii ay dilaacaan shuban biyoodyo”