Wasiirka Gaashaadhiga JSL, oo Hor tegay Guddida Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada Somaliland

0
144

Hargaysa(Dawan);-Guddida hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyda iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Is-barasho iyo Xog-waraysi ah ugu yeedhay masuuliyiinta  Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo ka Koobnaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Dr Rooble Muuse Cabdi iyo Agaasimaha Guud Mudane Foosi Maxamed Faarax.

Kulankaas ayaa ujeedkiisu ahayd is barasho iyo is xog waraysi u dhexeeyay labada dhinaca ee guddida iyo wasaaradda Gaashaandhiga, maadaama oo guddiyadii golaha Wakiillada lagu sameeyay isku shaandhayn, oo guddidii hore ee arrimha guduhu ay meesha ka baxday.

Guddida Arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha wakiilada ayaa golahooda u qaabilsan arrimaha la xidhiidha amniga iyo difaaca dalka, waxaanay mar kasta xogta kala qaataan isna xaal waraystaan Hay’adaha dalka u qaabilsan amniga sida wasaarada Gaashaandhiga oo kale.

Kulankan ayaa lagu soo qaaday intii uu socday sidii ay u xoojin lahaayeen labada dhinaca wada shaqaynta ka dhaxaysa iyo sidii la iskula jaanqaadi lahaa meelna looga soo wada jeedsan lahaa difaaca Qaranka.

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo iyada oo la isla qaatay xoojinta iyo difaaca Qaranimada dalka iyo sidii loo yeelan lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo xoogan