Haween Somaliland ah oo Tababar Xirfaddeed loogu Qaaday Dalka Zanzibar

0
57

Berbera(Dawan):- Shirkadda DP WORLD ee Maamusha adeegyada Dekedda Caalamig ah ee Berbera ayaa iyadoo kaashanaysa machadka BCI waxa ay sheegeen inay tababar ugu direen dalka ZANSIBAR toban Haween ah oo reer Somaliland, kuwaasoo soo baran doona farsamada tamarta Cadceeda iyo hal-abuurka ganacsiga.

Lix kamida Haweenkan ayaa laga soo xulay Magaalada Berbera, halka afarta kalena ay ka tageen caasimada Hargeysa, waxaana tababarkaasi  qayb ka yahay barmamuj la yidhaahdo Solar Mamas, kaasoo lagu dhiiri-gelinayo koboca aqoonta xirfadeed ee ay Haweenku u leeyihiin farsamooyinka casriga ah ee tamarta cadceeda iyo xirfadaha kale ee dhaqaale abuurka leh.

Sida lagu baahiyey todobaadkanka Wargeyska Freightweek.org, iyadoo ay sii kordhayso baahida loo qabo tamar koranto adduunka oo dhan, isla markaana in ka badan hal Bilyan oo ruux oo dunida ku nooli ay waajahayaan Koranto la’aan, ayaa waxa socda deddaalada lagu xoojinayo yaraynta baahidaasi iyo sidii loo abuuri lahaa deegaan tamareedyo waaritaan leh.

Tababarka Haweenka loo fidiyey wuxuu soconayaa muddo saddex bilooda, waxaana bixinaya Machad-ka BCI oo ay xaruntiisu tahay dalka Zanzibar, isla markaana ay wada shaqayn leeyihiin Shirkadda DPWORLD.

Waxa sidoo kale tababarkan oo kale laga soo fuliyey Dalka Senegal oo Haweenka dalkaasi loo qabtay aqoon-korodhsi xirfadeed oo kan oo kale, qaybna ka mashruuca SOLAR MAMAS.

” Inta lagu jiro barnaamijka, haweenku waxay baran doonaan xirfadaha lagama maarmaanka ah ee injineernimada qoraxda iyo hal-abuurka, iyaga oo ku qalabayn doona aqoonta iyo qalabka loo baahan yahay si ay u bilaabaan ganacsigooda yar yar ee bulshadooda.

 

Kooxda koowaad, lix ka mid ah waxay ka soo jeedaan magaalada Berbera, halkaasoo DP World ay maamusho dekedda Berbera iyo Aagga dhaqaalaha Berbera. Afar kalena waxa ay ka soo jeedaan meelaha danyarta ah ee caasimadda Hargeysa. Barnaamijka Somaliland waxa uu ku dhisan yahay guusha ay gaadheen ururka Solar Mamas ee dalka Senegal, kuwaas oo dufcaddii ugu horaysay ee ka qalin jabisay 2022.

hindisaha Solar Mamas wuxuu ka shaqeeyaa heer hoose si loo xoojiyo haweenka leh xirfado wax ku ool ah oo ka gudbaya caqabadaha luqadda iyo akhris-qoraalka, taasoo u sahlaysa inay ku rakibaan oo ay ilaaliyaan nidaamyada tamarta qoraxda ee tuulooyinkooda”

Mashruuca haweenkan tababarka u qaaday wuxuu xoogga saarayaa haweenka bulshada reer Guuraaga ah