Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, oo Bilawday Baraarujinta Bisha Ramadaan ee Shaqaalaha Dawaladda

0
63

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bilowday Barnaamijka Wacyigelinta Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada.

 

Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ay kulamo wacyi-gelin ku saabsan Bisha barakaysan ee Ramadaan kusoo mareen Wasaaradaha kala ah, wasaaradda Horumarinta Maaliyada ,Wasaaradda Arrimaha Dibada ,Wasaaradda Cadaalada ,Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada.

Culimadu wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ku baraarujinayay shaqaalaha wasaaradahan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen bisha fadliga badan ee Ramadaan, waxaanay halkaasi uga soo jeedinayeen talooyin iyo waanooyin la xidhiidh fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Sidoo kale masuuliyiinta iyo Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soamliland oo iskaashanaya ayaa intii ay curatay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxay wadeen dedaalo kor loogu qaadayo fahamka xaga diinta iyo axkaamta soonka iyo sidii ay shaqaalahani u noqon lahaayeen kuwo gurta midhaha Bishan Ramadaan, waxaanay shaqaalaha farayeen inay ka dheeraadaan wax kasta oo ay suurtagal tahay in uu soonkooda wax u dhaimayo, waxaanau ku waaninayeen inay ka soomaan Isha, Afka, Adinka iyo Ibta.

 

Shaqaalihii kala duwanaa ee ay kula kulmeen wasaaradihii ay booqdeen ee ay ka samaynayeen wacyigalinta la xidhiidha fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxa ay ku adkeeyeen inay weeleeyaan wacdiga ay u jeedinayaan Culimada wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo xil gooni ah iska saartay sidii shaqaalaha dawladu u noqon lahaayeen kuwo ka faa’iidaysta fursada dahabiga ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Gebo’gabadii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sanad kasta sidan oo kale u qabta kulamo kor loogu qaadayo fahamka iyo aqoonta la xidhiidha bisha barakaysan ee Ramadaano o ah bil ay mudan tahay in qof kastaa ka faa’iidaysti kheyrkeeda.