Dhaqanka hawl nacaybka iyo daalka shaqadu ama wahsigu calaamad uma ah dad gaar ah, waayo xataa dadka horumarka gaadhay ee dadaalka badani inay wakhtiyada qaarkood wahsadaan waa wax ku abuuraan Aadamiga.
Haddaba arinka lagu kala duwan yahay ayaa ah inay iyagu , kuwa dadaalka badani ay markiib fahmaan oo ay hawshoodii dib ugu noqdaan halka kuwa kale ay wahsiga wehel joogto ah ka dhigtaan, kuna dakaato dib u noqoshada hawshooda.
Akhriste ceeb ma aha inaad mar wahsatid laakiin waxaa ceeba inaad mar walba hawl nacayb joogto ah ku jirto, taasi oo keenaysa waqti iyo fursado badan qaali ahi ku dhaafaan. Waana kaasi fashilka dhabta ahi.
Maalqabeenka Bill gate ayaa isana yidhi “ Anigu weligay waxaan qaata shaqaalaha caajiska (hawsha neceb), maxaa yeelay wuxu helayaa dariiq fudud oo uu shaqada ku qabto”.