Ciidanka Dabdemiska Burco oo Ilmo yar ka soo samata-bixiyay Musqul

0
61

Burco : Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa  soo badbaadiyay Ilmo yar oo lagu riday Musqul Degmada Maxamed Cali.

“ILLAHAY mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samata-bixiyaan Suuliga isagoo nool, waxaana  ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco, si caafimaadkiisa loo hubiyo in wax soo gaadheen iyo in kale.

Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah  ciidanku carruur kaga soo badbaadiyeen Musqulo lagu riday ama ku dhacay, kuwaasi oo intooda badan ku guulaysta inay badbaadiyaan iyaga oo nool caruurtaasi.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa dadka falalka noocan ee arxandaradaa ka waantoobaan, tallaabo sharciga waafaqsana la marin doono,waxaanu laamaha asharciga ku xoojinayaa ina gacan adag wax lagaga qabto ciddii ay ku cadaato falalka noocan oo kale ah, si bulshadu ugu cibro qaadato.

Ciidanka Dabdemisku waxa uu kugu wargalinyaa Hadii aad la kulanto masiibo dab waxaad in aad soo wacdaan lambarka gurmadka degdega ah ee 990 24 ka saacadood shirkadaha Telesom iyo Somtel, si loo gaadho masiibadu inta aanay faafin ama aanay cida la badbaadinaayo aanay wax soo gaadhin.”

Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay ciidanka dabdamiska