Sababaha Keena Madax Xanuunka Xilliga Soonka Iyo Xalka Ugu Haboon Ee Lagula Tacaalo

0
113

Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadkan Qormadeena Koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa sababaha keena madax xanuunka xiliga Soonka iyo xalka ugu haboon ee lagula tacaali karo.

Qormadeenan inta aynu ku guda jirno waxa aad ka bogan doontaan noocyada madax xanuunka xiliga Soonka iyo waxyaabaha keena in qofka uu madaxu xanuuno wakhtiyada uu sooman yahay ama Bishan aynu ku jirno ee Ramadaano o kale.

Sidoo kale qormadeenan waxa aad ka heli doontaa talooyin caafimaad oo aad kula tacaali karto madax xanuunka xiliga Soonka.

Haddaba Xilliga Ramadaanta dhibaatooyinka ugu badan ee laga cawdaa waa madax xanuun. Qormadan waxa aynu ku soo koobayna xog muhiim ah oo la xidhiidha madax xanuunka xilliga soonka la dareemo, iyo xalka ugu habboon ee lagula tacaali karo.

Noocyada madax xanuunka xilliga soonka:

Madax xanuunka xilliga soonka uu qofku isku arkaa waa laba nooc oo kala ah:

  • Madax xanuunka afurka ka hor:

 

Marka aynu cuntada cunno ee ay dheefshiidka iyo hawsha dheefsiga marto, waxa uu jidhku kala baxaa sonkor loo yaqaanno Gulukoos oo dhiigga raacda, unugyada jidhkana sidaas ku wada gaadha.

Gulukoostu waa isha uu jidhku tamarta ka sameeyo, iyo shidaalka maskaxda. Marka ay cuntadu yaraato soonka awgii, waxaa mararka qaarkood dhacda, in sonkortaas (Glucose) dhiiggu inta dabiiciga ah ka yaraato, taas oo sababta madax xanuunka la arko xilliga soonka lagu guda jiro.

  • Madax xanuun afurka kaddib yimaadda

 

Dadka qaar marka ay afuraan ayaa uu madaxu xanuunaa, sababtuna inta badan waa dheefshiidka oo cuntadu uu cunay culays ku noqotay, ama cuntada uu cunay oo ka badan intii calooshu u baahnayd (Cuntada ama biyaha oo uu iska dhergiyo).

Arrintan ayaa sababta in cadaadis badani ku dhaco bogga oo ah teed muruq khafiifa ah oo u dhexeeya godanka saableyda iyo caloosha. Culayskaas ayaa carqaladeeya neefsiga oo ku adkaanaya qofka, madax xanuun iyo daal jidheed / burbur.

Sababo kale oo keena madax xanuunka xilliga soonka:

  1. Isbeddelka degdegga ah ee ku imanaya caadadii hore ee cunto cunista qofka.
  2. Cabbitaanka (biyaha iyo dareeraha kale) oo qofka ku yaraada.
  3. Hurdo yaraanay sababteedu tahay nidaamkii hurdada ee isbeddalaya, tusaale ahaan habeenkii oo goor dambe la seexanayo, iyo hurdada oo laga kacayo dhowr jeer, sida xilliga suxuurta iyo salaadda subax.
  4. Maadadda kaafiyeenta oo jidhku uu tebo. Shaaha iyo bunka joogtada aynu u cabno, waxaa ku jira maaddada Kaafiyeen oo jidhku la qabsado. Sidaas awgeed, marka qofku uu shaaha ama bunka joojiyo maalintii, waxaa ku dhaca madax xanuun, ugu yaraan maalmaha hore.

Talooyin muhiiim ah

  1. Waxaa fiican in qofku uu Kaafiyeenta iska daayo, toddobaaddo ka hor Bilowga bisha soon.
  2. Suxuurta oo aad dib loogu dhigo, laguna dadaalo in ay noqoto cunto isu dheellitiran, jidhkuna uu ka heli karo tamar maalinta oo dhan ku filan.

Waxaa fiican in ay noqoto cuntooyinka aan dheefshiidka sida dhaqsaha ah u dhaafin, sida badarka iyo guud ahaan cuntada ganka leh ee aynu waddaniga u naqaanno, khudradaha cagaaran iyo khudradda midhaha ah.

  1. Hurdada oo aad nidaamiso xilliga ramadaanta, kuna dadaasho in aanad aad u cawayn, iyo in maalintii aad duhurka kaddib waqti yar seexato.
  2. Inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta, cab biyo iyo cabbitaanno badan oo ugu yarana 3 litir ah.
  3. Ku afur cunto isu dheellitiran oo caafimaad qabta, jidhkuna uu ka heli karo faytamiinnada, cusoobiyinka iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay, laakiin iska jir in aad ku talaxtagto, si aanay kuugu keenin dibbiro.
  4. Timirta afurka la cunaa, waa xal degdeg ah oo macaanka hoos u dhacay kor u soo qaadaysa.