Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii la soo dhaafay mar kale ku guuldareystay inay dalbadaan xabbad-joojin ka hirgasha Qaza ah ka dib markii Ruushka iyo Shiinaha ay diidmada qayaxan ku diideen qaraar uu Maraykanku soo diyaariyay oo taageeraya joojinta dagaalka.
“Ruushka iyo Shiinuhu ma doonayn inay u codeeyaan qaraar uu Maraykanku uu soo diyaariyey, sababta oo ah waxay doonayaan in aan guuldarraysano intii aanu arki lahayn golahan oo guulaysanaya,” ayay tidhi safiirka Maraykanka ee qaramada midoobay Linda-Thomas Greenfield.
Waxa jira is mari waa u dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha oo dhinac ah iyo Maraykan. Kow iyo toban dal oo ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ee joogtada ah ayaa taageeray qoraalka Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha waxa raacay Algeria, Guyana ay ka aamustay.
Maraykanka ayaa qaraarkan diyaariyey ka dib saddex jeer ooh ore uu diidmada qayaxan kaga hor yimi qaraaro golaha la keenay oo ku baaqayey in la joojiyo dagaalka. Qaraarkan hadda ee Ruushka iyo Shiinuhu diidaeen waxay ku tilmaameen mid aan luqadiisu cadayn, wuxuu go’aamiyaa muhiimadda xabbad-joojin degdeg ah si loo ilaaliyo rayidka, loo helo gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah iyo la haystayaasha.
Laakiin Shiinaha iyo Ruushku waxay leeyihiin si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah, tani kuma filna,” sida uu yidhi ergayga Ruushka Vassily Nebenzia oo ka hadlayay qaraarka luqadiisa. “Tani sinaba uma aha waxa ku qeexan waajibaadka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay – golaha, kaas oo lagu maalgeliyay hab gaar ah oo lagu dalbanayo xabbad-joojin, iyo haddii ay lagama maarmaan tahay in lagu qasbo in loo hoggaansamo.”
Ergeyga Shiinaha ayaa ku celceliyay hadalkaas, isaga oo sheegay in qaraarka qabyada ah uu yahay “mid mugdi ku jiro” oo aan ku baaqayn xabbad-joojin degdeg ah.
Safiirka Guyanese Carolyn Rodrigues-Birkett, oo waddankeedu ku biiray golaha bishii Janaayo, ayaa sheegtay in dawladdeedu aanay taageeri karin qaraar mugdi ku jiro aan ku baaqayn xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.
“Baahida xabbad joojinta waa in aan lagu xidhin ama aan shuruud looga dhigin sii deynta la haystayaasha,” ayay tidhi. “Qabashada la haystayaasha waa mamnuuc sida uu qabo sharciga caalamiga ah, sii deyntooduna waa inay ahaataa shuruud la’aan”.
Tan oo keliya ma ah ee waxa aad loogu kala aragti duwan yahay dagaal, Maraykanu wuxuu taageerayaa Isreal, halka Ruushka iyo Shiinuhu ay ka soo hor jeedaan hab dhaqanka Yuhuuda iyo Maraykan oo la jira. Waxyaabahaas ayaa had iyo jeer adkeeya codaynta qaraarada golaha
Safiirka Guyana waxay sidoo kale su’aal galisay sababta Xamaas oo kaliya loogu cambaareeyay falkeeda oo aan loo cambaareyn Israel, sidoo kale.
“Tusaale ahaan, yaa mas’uul ka ah 1.5 milyan oo falastiiniyiin ah oo magan-gelyo ku jooga Rafah? Yaa ku dhawaaqay in ay weerar millatari oo qorsheynayaan? , yaa waxyeelo ku ah gargaarka bini’aadantinimo, shaqaalaha caafimaadka, hantidooda yaa caqabad ku ah kaabayaalkii iyo hantidii?” ayay waydiisay.
Cambaaraynta Xamaas ayaa noqotay mid soo noqnoqotay oo xubnaha golaha qaarkood la taagan yihiin. Halka qaar kale ka caga jiidayaan in la cambaareeyo weerarka argagaxisada ah ee Israa’iil.
Tani waxay ahayd markii toddobaad ee goluhu ku heshiin waayo xabbad joojin tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Oktoobar. Agaasimaha kooxda xasaradaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Richard Gowan, ayaa VOA u sheegay in tani wax la’aanta dhaantay oo ay ahayd in laysku raaco. Waxa uu intaa ku daray in tani ay Isreal fursad siinayso oo ay hore u sii wadi karaan qorshahoodii.
Koox ka kooban toddobo xubnood oo golaha laga soo doortay oo kala ah Algeria, Guyana, Malta, Mozambique, Sierra Leone, Slovenia, iyo Switzerland – ayaa diyaariyay qoraal iyaga u gaar ah oo ” dalbanaya” xabbad-joojin degdeg ah bisha barakeysan ee Ramadaan laakiin isagana waxa saameeyey is mari waaka. Ruushka iyo Shiinuhu way
Netanyahu oo haatan la socda daldalooda golaha ayaa diidan soo jeedin uu u soo jeediyey xoghayaha arrimaha debbeda ee Maraykanka Mr Blinken oo ah in aanu weerarin Rafax oo ku taalla Koonfurta Qaza, taas oo ay ku sugan yihiin qaxootigii ugu badnaa.