Wasiirka Waxbarashada oo Caddeeyay in Dalka Mareykanku Aqoonsaday Shahaadada Dugsiga sarre ee Somaliland

0
92

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Aadan Camash Buuxane ayaa saaka hortagey guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, waxaana xarunta golaha ku soo dhaweeya guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Mudane Dayib Xasan Axmed iyo xildhibaanada guddidaasi.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Camash Buuxane, ayaa sheegay in Shahaadada Dugsiga sare ee Somaliland   loo ogolaaday dadka ku guulaystay fursada dhoofka ee Lotary-ga ee dalka Maraykanka inay wax ku baran karaan dalkaasi, kadib marka uu qofku ku guulaysto.

Sidoo kale wasiirku waxa uu   sheegay in dawladaha jaarka iyo iyo kuwa bariga Afrika ba ay ictiraafsan yihiin shahaadada Dugsiyada sare ee Somaliland oo ardayda reer Somaliland ay wax ka baran karaan dhammaan dalalka jaarka.

Dhanka kale wasiirku waxa uu  qiray in ay kaalintaasi kasoo bexeen xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ay sumcadaasi dalka u soo hooyeen, wasiirku waxa uu intaas ku daray   in ay xooga saaraan waxbarashada bulshada reer Guuraga, waxa uu xusay in Aleybaday ilaa Buuhoodle ay ka caawiyaan quudinta ardayda wax ka barata iskuulada.

Waxaanu yidhi.“Waxaan idiinku bushaareynayaa, in aan tagey Sudan, marka dallalka deriska oo dhami shahaadada Somalilandta way aqbalaan,   sababto ah kalsooni ayaa lagu qabaa, imikana waxa shardi noqotay in dadka hela Nooteriga ee taga Mareykan waxa lagu helay shardiga ah haddii aad hesho shahaadada Somaliland ee dugsiga sarre waa lagu aqoonsanaya, balse Soomaali meel ay joogtaba waxa ay wadato lama ogola.

Waana dadaal in lagu boggaadiyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka mudane Daa’uud Axmed Faarax iyo masuuliyinta la shaqaysa u baahan.

Dugsiya hoy ah oo ardaydu ku xaraysan tahay ayaa jira waxaanay iskuuladaasi u badan yihiin degaanada xoola dhaqato reer guuraaga, waxaanay u badan yihiin duleedka Aleybaday ilaa Buuhoodle, siweynbaana loogu najaxay, anaguna waxa aanu ku taakulayna wixii quudin ah,”

Geesta kale waxa uu sheegay inay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo dugsiyadii farsamad gacanta, waxaanu hoosta ka xariiqay in hadda ay fasaxeen dhismaha dugsiga farsamada gacanta magaalada Burco oo dhismihiisa ay ka caawinayso King Salmaan, halka dugsiga farsmada gacanta magaalada Hargeysa uu hadda dhismihiisu dhammaad yahay, kana caawinayso hay’adda GIZ.

Wasiirku waxa uu sheegay in  imtixaankii shahaadiga ahaa dugsiyada sarre ee dalka ay hadda   u  fadhiisanayaan 20 kun oo arday, waxaanu caddeeyay in ilaalintiisi iyo masuuliyadiisii lagu wareejiyay jaamacadaha dalka.

Waxaanu yidhi. “Imtixaankii shahaadiga ahaa hadda waxa u fadhiisanaya 20-kun oo arday dugsiyada sarre, masuuliyada imtixaanka shahaadiga ah waxaa aanu ku wareejinay Jaamacadaha dalka, balse diyaarintiisa waxa iska leh xafiiska imtixaanaadka Qaranka, nuxurkuna waxa uu yahay in la helo dad tayo leh”

Gaba-gabadii wasiirku waxa uu sheegay in macalimiintii sannadkan loo tababarayay barbaarinta iyo waxbarashada dugsiyada hoose dhexe loo xushay 120 hablood oo macalimiin ah, kuwaas oo hadda ku xareysan dugsiga tababarka macalimiinta ee Degaanka Dhaboolaq si ay u soo dhammeystaan waxbarashadooda.

Wasaaradda waxbarashada ayaa la tashi dheer kadib ku qanacday in barbaarinta iyo waxbarista dugsiyada hoose dhexe ay u wanaagsan yihiin, isla markaana ay uga naxariis badan yihiin haweenka macalimiinta ahi.

Waxaanu yidhi. “Sannadkan waxa aanu qaadanay 120 macalin, waxaanu kawada dhigney dumar, waxa ay ka soo baxeen dugsiyada sarre ee dalka, waxa laga soo xulay guud ahaan gobollada dalka oo dhan, waa dugsi hoy ah, raashinkooda iyo wixii aanu u heli karnaba wasaaradda waxbarashada ayaa ka masuula, iyada oo la kaashanaysa hay’addaha adduunyada”