“Bisha Ramadaan hal habeen ayaan Suxuurtay Duruufta na haysata awgeed”Hooyo Faadumo.

0
71

Hargeysa (Dawan)  Hooyo Faadumo Cabdiraxmaan Maxamuud, waa hooyo danyara oo ku nool magaalada Hargeysa, wakhtigana ay la soo darseen duruufo kala duwan oo adag oo dhanka nolosha ah, waxay haysata lix carruura umana hayso waxay siiso, waxbarasho kaga bixiso iyo waxay ku ciidsiiso midna.

Hooyadani waxa ay sheegtay in bisha ramadaan habeena ay suxuurta hesho, habeena ay suxuur la’aan ku soonto, waxaanay guud ahaan bulshada ka codsatay inay soo caawiyaan.

Sidoo kale hooyadan oo ilmada indhaheeda ka socota dhabankeeda qoysay ayaa sheegtay in bisha barakeysan ee Ramadaan sidii ay u bilatay ay hal habeen suxuuratay.

Waxaaney tidhi.“Duruuf adag ayaanu ku noolahay, carruurta qaar ayaa iga xannuunsanaya, waxaan bulshada Muslimiinta ah ka codsanaya dal iyo dibed meesha ay joogaanba inay iskaygarab taagaan, ilmaha iga xannuunsan dhakhtar mageyn karo, taangi biyo ah uma shubi karo, mararka qaarna waxa aanu weyna biyo aanu ku afurno, inta bisha barakeysan ee Ramadaan hal habeen ayaan suxuurtay, sababto ah mararka qaar ayaan waayaba biyo aan ku suxuurto, ILLAAHEYba mahad iska leh, waana waxyaabaha ILLAAHEY loogu xamdi naqo.

Markii hore anaa u shaqayn jiray balse aniguna hadda mashaqayn karayo oo waan xannuunsanaya, waxaan bulshada ka codsanaya in la icaawiyo, qolka jiingada ah ayaan is dhex seexiya carruurta, kiro ahaan ayaan ugu jira, laydhka guriga xata 50 dollar ayaa la igu leeyahay”

Haddaba ciddii ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa hakala xidhiidho telefoonkeeda gacanta 063-3816594