Faa’idooyinka Joogteynta Timirta iyo Inta Xabbo ee Laga Cuni Karo Maalintii

0
81

Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa faa’iidooyinka Caafimaad ee ay leedahay in la joogteeyo Timirta iyada oo la qiyaasayo xaddiga uu qof qaadi karo.

 

Qormada Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aad kaga boggan doontaa faa’iidooyinka degg degg ah ee ku afurista Timirta iyo sidoo kale faa’iidooyinka joogtaynta Timirta maalin kasta, sidoo kale waxa aad wax badan ka ogaan doontaa xaddi intee le’eg ayuu qofku u baahan yahay inuu ka isticmaalo Timirta, sideese loo kadiyaa Timirta marka uu qofku soo iibsado ee uu rabo inuu isticmaalo.

 

Haddaba Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan midhadh timir ah. Haddaba marka laga tago in ay sunne tahay, maxaa kale oo faa’ido caafimaad ah oo ay jidhka u leedahay?

Faa’idooyinka degg degga ah ee ku afurista Timirta

  • Jidhku waxa uu ka helaa tamar xooggan oo mar keliya jidhka wada gaadha
  • Waxa ay dawo ka tahay calool istaagga
  • Waxa ay jebisaa gaajada daran
  • Waxa ay caawisaa in qofku si degdeg ah dharag u dareemo, muddana uu dhereggaasi sii jiro, taas oo ka hortag u noqon karta in uu cunto badan cuno, si aanu miisaankiisu u kordhin.

 

Faa’idooyinka joogteynta timirta (maalin kasta)

Timirta waxaa ku jira maaddooyin nafaqo iyo sonkor dabiici ah oo faa’idooyin badan u leh jidhka, sidaas awgeed in la joogteeyo cunisteeda waxaa laga helaa:

– Waxa ay yaraysaa u nuglaanshiyaha xanuunka xusuusta dila ee asaasaqa (Alzheimer), noocyo ka mid ah kansarka, xanuunnada Wadnaha ku dhaca, iyo xanuunka indhaha “Macular Degeneration” oo aragga dila. Waxa aanay caawisaa ka bogsashada habeenada (Aragga oo daciifa habeenkii ama marka meel iftiinkeedu yaryahay uu qofku joogo).

  • Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga,
  • Waxa ay wanaajisaa xasuusta, waxa aanay xoojisaa baraarugsanaanta iyo awoodda u fiirsiga ee maskaxda.
  • Waxa ay la dagaalantaa dhiig la’aanta,
  • Waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadataa nidaaminta iyo wanaajinta hurdada.
  • Waxa ay yaraysaa dufanka dhiigga ee dhibaatada keena (Kalastaroolka).
  • Waxa ay wanaajisaa shaqada muruqyada iyo neerfaha
  • Waxa ay caawisa ilaalinta xididdada dhiigga, waxa aanay ka hortagtaa kicista dhiigga (Dhiigkarka)
  • Waxa ay u fiicantahay korniinka carruurta, gaar ahaan Lafaha oo ay xoojiso.
  • Waxa ay u fiican tahay ciyaartoyga iyo dadka jimicsiga badan sameeya oo ay ka caawiso jidhku in uu soo ceshado awoodda / tamarta.
  • Waxa ay yaraysaa ama dib u dhigtaa calaamadaha gabowgaee maqaarka.
  • Waxa ay u fiican tahay dumarka uurka leh oo ka kaxayso daalka iyo burburka jidhka.

Dhinaca kalana Daraasad lagu tijaabiyey haween uur leh, afartii toddobaad ee ka horreysay dhalmada oo si xidhiidh ah 6 xabbo oo timir ah la siinayey maalin kasta, waxaa lagu ogaaday in timirtu ay fududayso dhalmada. Waxa aanay caawisay in boqolkiiba 96 dumarku aanay u baahan ka foolin, ee ay si dabiici ah u fooshaan.

Tirada timirta ay tahay in qofku uu cuno maalintii

  • Haddii caafimaadkaaga guud fiican yahay Maalintii cun 4 illaa 6 xabbo oo timir ah
  • Haddii aad leedahay xanuunka macaanka, halkii mar cun 1 illaa 2 xabbo. Laakiin, isu geynta tirada guud ee Maalintii aad cunaysaana yaanu ka badan 3 xabbo

 

Sidee timirta loo kaydiyaa?

Si loo ilaaliyo faa’idada timirta, iyo in aanay muddo dheer lumin tayadeeda caafimaad, waxaa fiican in lagu kaydiyo weel quraarad ah oo engagan, si fiicanna loo xidhay, lagana fogeeyo ilayska.

Digniin

Xaaladaha aanay timirta cunisteedu fiicnayn waxaa ka mid ah:

  • Marka lagu jiro nidaamka cunto ee miisaan dhimista, haddii laga fursan waayo, waa in xaddi aad u yar oo aan joogto ahayn laga cuno.
  • Timirtu waxa ay Ilkaha ku keentaa suus, haddii aan cunista kaddib la nadiifin