Nolosha Bulashada Adoomaha Hindiya!

0
65

Dalka Hindiya waa dalka aduunka ay ka jiraan dhaqamo iyo caadooyin yaab leh oo qaarkood aan qofku rumaysan Karin. Waa dal loโ€™ada lagu caabudo isla markaana la cabo kaadideeda iyagoo uu arka caafimaad iyo in xanuunada lagaga bogsanayo sida kansarka iyo xanuuno kale oo halis ah.

Hindiya waxa ku nool dad aaminsan dhaqan ay diin ku sheegaan oo la yidhaa Naga Sadhus, dadkaasi ragoodu dhar ma xidhaan, mana maydhaan isla markaana dhamaan timaha ka baxa jidhkooda ma ogola in wax yarna laga jaro. Waxa kale oo raggu ay dhib ku hayaan xubinta taranka ee jidhkooda iyagoo doonaya in aanu dareen yeelan.

Waxa ay aaminsan yihiin in dadka qaarkood ka awood badan yihiin kuwa kale sidaa awgeed waa dhaqan adoonsiย  ah, ย dadkaasi awoodda macmalka ah samaystay ayaa si weyn loogu sheqeeya loogana barakaysto.

Dumarkooda waxa ay magaalooyinka yimaadaan marka ay xaflado dhiganayaan keliya iyagoo aan dhar xidhnayn. Dumarkooda ayaa waxaย  keliya ee ay xidhaan maro liimi ah oo ah tan ay Hinduusku xidhaan.ย  Waxa ay degan yihiin Himilaya, waxaana ay aaminsan yihiin in webi ku yaalla dalkaasi oo lagu magacaaco Gang uu yahay mid biyihiisu barako leeyihiin.

Wakhtiyada ay ciidaha samaystaan ayay tagaan iyagoo biyihiisa dhex gala. Waxaad oganayasa in ย Marka dadka aanay muslim ahayn iyaga ayaa adoomo isu noqda oo si weyna isu dhibaan.

ย 

ย