Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JLS, oo Lagu Abaal Mariyay Kor-u-qaadista Qur’aanka Kariimka

0
87

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa lagu abaal mariyay ka shaqaynta iyo kor-u-qaadista Kitaabka Qur’aanka Kamiinka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Maayerada Magaalooyinka Berbera Iyo Hargaysa oo Shahaado Sharafyo ku maamusay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, kaasi oo uu ku mutaystay sidii wanaagsanayd ee uga qayb qaatay tartanada Qur’aanka Kariinka ah ee Bisha Ramadaan.

 

Maayeradda Hargaysa iyo Berbera ayaa sheegay inuu wasiirku ku mutaystay shahaado shafarta ka shaqaynta sadexdan qodob ee muhiimka ah 1. Dhiiri-gelinta Kor u Qaadista Kitaabka ALLE iyo Sunnada Rasuulka .

  1. Hogaamin Wanaagsan
  2. Dar-dar Gelinta Hawlaha Shaqo ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL.

 

Dhinaca dhiiri-gelinta kor-u-qaadista Kitaabka ALLE iyo Sunnada Rasuulka, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka duulaya siyaasada kowaad ee Xukuumada oo ah Kor u qaadista Kitaabka ALLE iyo Sunnada ,waxa uu cagta soo dhigay meel kasta oo lagu hayo Kitaabka ALLE iyo Sunnada ,waxaanu Safaro ku gaala bixiyey Gobolada Dalka ,si uu u dhiiri-geliyo dedaalada iskaashi ee Xukuumada iyo cid kasta oo khayrka Jeceli ay wadaan taas oo sababtay in khayrka lagu tartamo.

 

Marka la eego dhinaca hogaamin wanaagsan wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ,waxa uu soo Hogaamiyey hay’addo Dawladeed ,mudadii uu hogaaminayeyna waxa uu la yimi hal abuur hogaamineed ,taas oo wasiirka ka dhigtay masuul leh sifooyinka lagu yaqaan hogaamiyayaasha wanaagsan ee ay ka mid yihiin Caddaalada ,Dad isku wadka ,la tashiga ,dhiiri-gelinta shaqaalaha ,ku xidhnaanta bulshada ,ka midho dhalinta qorshayaasha xukuumadda iyo ka shaqaysiinta Hay’adda masuulka looga dhigay, taasi oo keentay inuu si wanaagsan u hogaamiyo wasaaradda uu hadda joogo.

 

Wasiirka ayaa Dar-dar gelintaku sameeyay hawlaha shaqo ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL,waxaanu wasiirku mudnaanta kowaad ka dhigtay hagaajinta iyo kor u qaadista xidhiidhka ka dhexeeya wasaaradda iyo bulshada si wasaaraddu u qaadato doorkeeda hogaamineed ee bulshada.

 

Maayirada magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ayaa ugu talogalay shahaadooyinkan inay ku dhiirigaliyaan masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, si kor loogu qaado ka shaqaynta Kalaamka ALLE.