Wasaaradda Beeraha oo Daboolka ka Qaadday in Sannadkan xoogga la Saarayo Wax soo saarka

0
60

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Aadan Cabdillaahi Muuse, ayaa sheegay in sannadkan ay ka wasaarad ahaan xooga saarayaan in wax soo saarka la kordhiyo, isla markaana  beeraleyda iyo dadka ku hawlan wax soo saarka lagu dhiirigeliyo sidii ay kordhiin lahaayeen wax soo saarkooda.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay in ay xooga saaraan beerashada midhaha la quuto sida, Galleyda, Digirta iyo Garawga.

Geesta kale waxa uu sheegay in roobka Gu’gu ka da’ay degaanada Baki, Gabiley, Qulujeed, Borama, Wajaale, Garbo-dadar, Xariirad, Ruqi, Bula-xaar, Saylac iyo Ceerigaabo, waxa uu intaas ku daray in xadiga roobkaasi uu ahaa 67 mm isla markaana uu yahay roob fiican, waxaanu beeraleyda ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan roobka xilliga Gu’ga.

Agaasime Axmed waxa uu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay ka taageerto beeraleyda wixii ay la qaban karto,  waxaanu farta ku fiiqay in wixii hay’adduhu bixiyaan meelaha ugu mihiimsan loo leexin doono, waxa uu intaas ku daray in wixii miisaaniyada ugu jira ay wax uga qaban doonto dhinaca tababarada iyo kor u qaadista xirfada beeraleyda.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in la filayo in ay dalka ka da’aan roobab waa weyni, waxaanu faray beeraleyda dalka inay qotaan beeraha ka hor inta aanay roobabkaasi xanibin, waxaanu ku adkeeyay inay wax soo saarka kordhiyaan lana soo baxaan wixii la cunilahaa.