Dalada Iskaashatooyinka Beeraleyda Degmada Sallaxley ee Noolays oo 864 Sacadod oo Qodaal ah u Bilawday Beraleyda

0
50

Sallaxley (Dawan) Dallada xoola dhaqato beeraleyda degmada Sallaxley ee Noolays ayaa   864 sacadod oo Qodaal dhinaca beeraha ah waxay u   bilawday iskaashatooyinka beeraleyda Sallaxley.

Dallada beeraleyda degmada Sallaxley ee Noolays ayaa illaa hadda qodaal u sameysay in ka badan 324 beerood, kaas oo ay wadday muddo toddoba caano maal ah.

Sidiiq Muxumed Xasan guddoomiyaha Daladda Noolays ee iskaashatooyinka xoola dhaqato beeraleyda degmada Sallaxley oo goob ka ahaa mid ka mid ah beeraha Dalladu qodaalka u sameeyeen ayaa sheegay inay qodayaan 864 saacadood, waxaanu xusay in iskaashatooyinka Far Libaax, Wada-jir, midkasta ay u qodeen 108 saacadood, waxaanu intaas ku daray in imika ay gacanta ku hayaan qodaalka saacadaha iskaashatada Hodan oo habeen iyo maalin qaadan doono qodaalkoodu, waxaanu hoosta ka xariiqay in ujeedadoodu tahay in ay dhibica roobka ka gaadhsiiyaan haddii ALLE Qadaro.

Geesta kale waxa uu intaas ku daray in iskaashato kasta la siiyay abuur gaara, waxaanu tilmaamay in ay kala qaateen, Misir, Galey, Sinsin, Digir iyo Hadhuudh.

Dhankan kale waxa la sheegay in ujeedada ugu weyn ee Dallada Noolays ay ka leedahay qodaalka beerahan ay tahay in degmada Sallaxley ay gaadho isku filaanshiyo xagga wax soo saarka beeraha ah, si aanay meelkale waxba uga iman.

Gaba-gabadii iskaashatooyinka ku mideysan Dallada xoola dhaqato beeraleyda Sallaxley ee Noolays, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin saacadahan qodaalka ah ee beerahooda loo sameeyay, iyaga oo xusay in arrintani wax weyn ka tarayso wax soo saarka beeraha degmada Sallaxley, waxaaney u mahadnaqeen cidkasta oo gacan ka geysatay hawshan qodaalka.