Wasiirka Waxbarashada oo Sagootiyay Arday Deeq-waxbarasho ugu Baxaya Itoobiya

0
68

 

Hargeysa(Dawan:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo ay weheliyaan, Dr Axmed Aadan Camash(Buuxane) Wasiir ku xigeenkiisa, Agaasimaha guud iyo  xubno ka mid ah agaasime waaxeedada wasaaradda ayaa kullan sagootina la qaatay arday deeq waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Ugu horayn Agaasime ku xigeenka waaxda farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland  Nasra Axmed Aadan ayaa ardayda kusoo dhawaysay wasaaradda waxbarashada waxaanay u sheegtay inay weeleyaan waanooyinka ay siin doonaan madaxda wasaaradu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda  oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada kullanka isago ardayda siiyay talooyin ku aadan dhanka waxbarashada iyo safarka ay u gali doonaan wadan kale, agaasimaha ayaa u mahadnaqay madaxwaynaha JSL MD Muuse Biixi Cabdi.

Dhankooda ardayda iyo waalidiinta oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ugu horayso wasaaradda waxbarashadu sida hagar la’aanta ah ee ay ugu hawl galeen mudadii ay socotay hawshani, waxaana ay balan qaadeen in ay wadankooda ugu shaqayn doonaan aqoonta ay soo bartaan.

Udu danbayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr Axmed Aadan Buuxane oo kullanka soo xidhay ayaa isna hambalyeeyay ardaydan kasoo gudubtay tartamadii ay galeen, waxaana uu wasiirku sheegay inay ka midho dhaliyaan tacabka uu qaranku galiyay iyo culayskii ay xukuumadu saartay sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho dhanka farsmada gacanta ah, waxaanu kula dardaarmay inay dalkooda kusoo noqdaan markay aqoontooda soo dhamaystaan.