Gabdhihii Chibok ee laga soo badbaadiyey Afduubka oo ragoodii dib ugu noqday

0
51

Toban sano ka dib Waalidiintii Gabdhahooda laga soo badbaadiyey afduubkii kooxdii Boko Haram ayaa weli niyad jabsan.  14-kii Abriil sanadkii 2014-kii ayey ahayd markii dagaalyahannadii Islaamiyiinta ee Boko Haram ay Iskuul hoy ah oo ku yaal Chibok – Nigeria ah ay ka afduubeen 276 gabdhood.  57 ka mid ahaa ayaa markiiba ka soo baxsaday Kayntii la geeyey, halka 108 kalena Milaterigu soo badbaadiyeen ntii u dhaxaysay 2016 iyo 2018.

Gabdhahaas waxa loo sameeyey dib u dejin oo dawlada ayaa xarumo u samaysay. Gabdhaha qaarkood ayaa  ragoodii la socdeen oo dib u dejin loo sameeyey.

Sagaashan iyo kow kale ayaa weli maqan, balse  intii la soo badbaadiyey ayaa qaarkood go’aansadeen in ay dib ugu noqdaan ragoodii iyo Kayntii.

Ms Yama waxay ka mid tahay 20-ka gabdhood ee laga soo badbaadiyay sanadihii u dambeeyay, Laakin Aabaheed ayaa aad uga cadhooday markii uu ogaaday in sida qaar ka mid ah haweenka kale ee dhawaan la sii daayay, ay go’aansadeenin ay sii guursadaan dagaalyahanadii mar gacanta ku dhigay.

Lamaanayaashan qaar ayaa hadda ku nool magaalada Maiduguri – caasimadda gobolka Borno, oo 125km (78 mayl) waqooyi ka xigta magaalada fog ee Chibok. Yama Bullum Inantiisu waxay haystaa saddex carruur ah isla markaana waxay la nooshahay Ninkii afduubay. Mr Bullum aad ayuu u cadhooday in Inantiisu doorato in ay la noolaato oo guursato ninkii afduubay.

Mr Bullum waxa uu dhibsaday wax u muuqda oggolaanshaha dawladda Nigeria ee guurka u dhexeeya gabdhahooda la soo badbaadiyey iyo raggii afduubay.

U oggolaanshaha haweenka la sii daayay inay la noolaadaan kuwii ay hore u haysteen iyaga oo xaas u ah. Inta badan gabdhihii lagala baxay iskuulka Chibok ayaa ahaa Masiixi.

Guurka sii socda waxa waalidiinta kaga sii daran caruurtooda oo qaatay Diinta Islaamka markii la afduubay, waxay u arkaan in lagu qasbay.

“Qaar ka mid ah dadka ku nool Chibok waxay leeyihiin: ‘Sidee ku suuroobaysaa ka dib markii la soo badbaadiyay in gabdhihii ay weli ku hadhsan yihiin caqiidada Muslimka?’ ayuu yidhi Yakubu Nkeki, guddoomiyaha ururka waalidiinta Chibok.

Gabdhaha qaarkood ayaa sheegay in ay ka soo bexeen Kaynta markii loo sheegay in ninkoodu raacayo  Aisha Graema ayaa ka mid ah.

Gabadh kale oo lagu magacaabo Mary Dauda, ​​ayaa iyaduna sheegtay in aanay suurtagal noqoteen in ay ka baxsato kaynta Sambisa la’aanteed ninkeeda, kaas oo ka caawiyay in ay si dhuumasho ah uga soo baxdo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen mintidiinta.

“Waxaan ku heshiinnay inuu igu soo biiro oo ii yimaado markaan baxsado.

Xerada Xajka ee Bulumkutu waa xerada ugu weyn ee lagu baxnaaniyo dagaalyahanadii hore ee Boko Haram iyo maxaabiistii mudada dheer ay afduubka u haysteen, halkaas oo si toos ah loo geeyo markii la soo badbaadiyay.

Gabdhihii la soo badbaadiyey iyo ragoodii ayaa ku jira.  “Xerada waxa ku jira kuwa ku adkaystay in raggooda la’aantood aysan sii joogi doonin xerada,” ayay tidhi Ms Gambo.

Waxa la weydiiyey: ‘Sidee u doonaysaan inaad la joogtaan nimankii noloshiina baabi’iyay? waxay ugu jawaabeen, Ma garan doontid. Maamulka gobolka ayaa door bidaya in Halkii ay lammaanuhu ku noqon lahaayeen kaynta ay halkan wada joogaan.

20-ka haween ah – oo ay la socdaan 31 carruur ah – ayaa loo raray xarun ammaan ah oo ku taal aagga ladan ee Maiduguri. Todobo ayaa la socda nimankooda Boko Haram; Qaar ka mid ah kuwa kale waxay ku hawlan yihiin dagaalyahanno hore oo ay la kulmeen intii ay ku sugnaayeen Bulumkutu.

Waxaa haweenka la siiyaa tababar ku saabsan xirfado ay ka mid yihiin harqaanka iyo aqoonta kombiyuutarka.

Waxay wadaagaan guri weyn, oo ay ku hareeraysan yihiin dhul ballaadhan, halkaas oo ay isugu yimaadaan gogosha geedaha hoostooda si ay ugu sheekeystaan ​​​​intay caruurtoodu ku ciyaarayaan ciidda.

Lamaane kasta waxaa la siiyay qol u gaar ah.

Gabdhaha Chibok ee la sii kuma qanacsana keli inay rabaan inay la joogaan raggooda Boko Haram , xitaa waxay aad uga xun yihii n in laga soo badbaadiyey

Gabar 16 jir ah oo sanadkii 2016 la soo badbaadiyey ayaa sheegtay in hadii ay qori haysan lahayd ay toogan lahayd ciidamadii u soo gurmaday.

Khubaradu waxa ay arrimaha bedelay gabdhaha  ku macneeyeen dhawr arrimood, oo ay ka mid yihiin dareenka ka mid ahaanshiyaha kooxda fallaagada, ku biirinta caqiidadooda xagjirka ah, jacaylka iyo abuuritaan, gaar ahaan marka ay carruur isku dhaleen.

Intaa waxaa dheer xagga diinta oo ay bedeleen.

“Dadkani waxay wakhti u heleen inay ka dhaadhiciyaan in wixii ay hore u garanayeen ay ahayd dariiq khaldan,” ayay tidhi Fatima Akilu, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga oo la shaqeysay maxaabiis badan oo la sii daayay xilligii ay dhallaan.

Laakiin xaaladda gabdhaha Chibok ayaa haatan dowladda ayaa si firfircoon u taageertay iyaga iyo raggooda oo wada jooga.

Gudoomiye Zulum ayaa aaminsan in tani ay ku dhiiri galin doonto kuwa wali ku sugan Sambisa inay ka soo baxaan dhuumashada.

Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin waalidiinta gabdhaha laga la’yahay Chibok ayaa sheegay in uu isku arkay in uu u dhexeeyo cabashada waalidiinta iyo xuquuqda gabdhaha da’da yar.

Yakubu Nkeki oo ah gudoomiyaha waalidiinta gabdhihii la afduubay ayaa yidhi “Gabdhaha waxa ay ii sheegeen in aanay ka maarmi karin nimankooda,” .

Saratu Dauda, ​​oo ka mid ah gabdhihii dhawaan laga soo badbaadiyay Chibok, sannadkii hore iyada iyo waalidkeed muran ayaa dhexmaray ku saabsan go’aankeedii ahaa in ay sii guursato oo ay sii haysato afduubihii hore.

Saratu Dauda  Aabaheed aad buu uga xumaaday, wuxuuna doortay in  aanu mar dambe ka qaybgelin ururka waalidiinta ama munaasabadaha lagu xusayo sannad-guurada afduubka.

Saratu Dauda  iyo Ms Yama waxay ka go’een qoyskooda  mar kasta oo ay isku dayaan inay la xidhiidhaan qoyskoodu ninkooda ayaa ka jawaabaya taleefankeeda beddelkeeda.

Saratu Dauda  waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in afduubkeedu uu u horseeday inay hesho “Diinta runta ah”. Aabaheed oo si cad u murugeysan ayaa yidhi: “Ma rabto in ay nala sameyso gabi ahaanba xidhiidh.”