Xidhiidhka Ganacsi ee Somaliland iyo Turkiga oo Xoogeystay

0
64

Hargaysa (Dawan):- Xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeyay Somaliland iyo dalka Turkiga ayaa xoogeystay sanadihii u danbeeyay, kaasi oo aad looga dareemayo wax kala iibsiga suuqyada ganacsi ee dalka Turkiga iyo ganacsatada reer Somaliland ee ku sugan halkaasi.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Somaliland Jamaal Caydiid Maxamed ayaa sheegay inuu xoogaystay xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya ganacsatada Somaliland iyo Turkiga, waxaanu tilmaamay in sanadkii hore lacag ku dhow 140 milyan oo dollar ay suuqyada ganacsiga wax kaga soo iibsadeen Turkiga ganacsatada Somaliland.

Sidoo kale gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sheegay in sanadkii hore ee 2023-ka ay ganacsatada reer Somaliland ka soo dageen dalka Turkiga kow iyo toban kun iyo sagaal boqol iyo sagaal Koontiinar oo ay ku jiraan alaabaha ganacsi ee Somaliland.

Munaasibad casho sharaf ah oo ay xarunta Rugta ganacsiga Somaliland u samaysay Qunsulka Turkiga ee Somaliland iyo ganacsatada dalka ayaa la isku waydaarsaday xogaha ganacsi iyo xidhiidhka labada dal ee xoogeystay, halkaasi oo lagu kala qaatay warbixino kala duwan oo la xidhiidh sidii loo adkayn lahaa iskaashiga iyo xoojinta ganacsi ee Somaliland iyo Turkiga.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Maxamed ayaa masuuliyiinta Turkiga ee Somaliland u soo bandhigay inay maalgashadaan Somaliland oo ay ka faa’iidaystaan kheyraadka dihin ee ceegaaga dalka, si uu u wanaagsanaado wax isdhaafsiga labada dhinac.

Waxaanu gudoomiyuhu si qoto dheer uga waramay sida ay ganacsatada Somaliland ugu xidhan yihiin suuqyada ganacsi ee dalka Turkiga, kaasi oo uu sheegay in ay Rugta ganacsigu ka taageerto wixii aqoonsi ah ee ay u baahdaan oo ay xidhiidh adag la leeyihiin xarun Rugta ganacsiga Turkiga, kana wada shaqeeyaan sidii loogu fududayn lahaa ganacsatada labad dhinac.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland ayaa sidoo kale xusay in aanu xidhiidka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkigu ku koobnayn kaliya xidhiidh ganacsi balse ay jiraan xidhiidho kale oo ay ka mid yihiin Waxbarashada, Caafimaadka iyo dalxiiska oo ay muwaadiniinta reer Somaliland sanad kasta u tagaan dalkaasi Turkiga, sidoo kale waxa uu ka xog-waramay in xidhiidhka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo ka soo bilaabmay ilaa cahdigii Cismaaniyiinta oo uu jiray xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya labada dal.

Kulanka ay soo qaban qaabiyeen Rugta ganacsiga Somaliland waxaa isaguna ka hadlay Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland, kaasi oo ka warbixiyay xidhiidhka iskaashiyo iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Turkiga.

Sidoo kale Qunsulka ayaa ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Turkiga, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland oo ah dad u fur furan xaga ganacsiga aad looga jecel yahay dalkaasi Turkiga.

Waxa uu sheegay in 10 sano oo ay Qunsuliyad ku lahaayeen Somaliland ay aad uga shaqeeyeen sidii loo adkayn lahaa xaga isku socodka ganacsiga iyo waxbarshada iyo sidoo kale caafimaadka, waxaanu xusay in kaliya aanay ku koobnayn xafiiskooda balse ay keenaan Hay’addo iyo shirkado u adeega bulshada Somaliland kana caawiya arrimo badan.

Xidhiidka ganacsi ee Somaliland iyo Turkiga ayaa ah mid soo bilaabmay wakhti aad u fog oo ay kasoo wareegeen qarniyo iyo sanado badan, kaasi oo ku tiirsanaa wax is dhaafsi iyo wax kala iibsi, sidoo kalena ay jirtay in labada dal ay iska taageeraan arrimaha dhaqan dhaqaale ee labada dhinac, hadda ayaa la filayaa in la soo celiyo xidhiidhkaasi soo jireenka ahaa ee Somaliland iyo Turkiga.