Isbahaysiga NATO oo u dabaal dagay sanad guuradii 75-aad ee ka soo wareegatay aasaaskeeda

0
69

Wasiirada Arrimaha Dibada ee NATO, ayaa u dabbaaldegay sannad-guuradii 75-aad ee isbahaysigooda, iyaga ugu dabaal degay, Calamo, keeg iyo guutooyin socod ku maray, halka xoghayahooda guudna eeIsbahaysiguna uu Maraykanka xasuusiyey in loogu baahan yahay si ka badan sidii hore loogu baahan yahay, maadaama dagaalka Ukraine uu galayo sanadkii saddexaad.

32-ka waddan ee xubnaha ka ah xulafada ayaa isku raacay Arbacadii in ay bilaabaan qorshaynta dowr weyn oo ku aaddan isku xidhka gargaarka milatari ee Ukraine si ay uga caawiyaan daagaalka Ruushka oo noqday dhacada ugu weyn ee Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka si  ay u muujiyaan midnimadooda iyada oo Ukraine ay sugeyso xidhmo dhaqaale oo qiimihiisu yahay 60 bilyan oo doolar oo weli taagan. Congress-ka Maraykanka.

Shirka wasiirada arrimaha debeda uga socda Brussels, wasiirradu waxay calaamadiyeen saxeexii Washington ee April 4, 1949, ahaa saxeexii North Atlantic Treaty ee dhidibada loogu taagay isbahaysiga siyaasadeed iyo milatari ee transatlantic.

“Yurub waxay u baahan yihiin Waqooyiga Ameerika ammaankooda,” ayuu Stoltenberg ka sheegay xaflad ka dhacday xarunta NATO ee Brussels.

“Isla mar ahaantaana, Waqooyiga Ameerika waxay sidoo kale u baahan tahay Yurub. Xulafada Yurub waxay bixiyaan milatari heer caalami ah, shabakado sirdoon oo ballaadhan iyo awood diblomaasiyadeed oo gaar ah, taas oo sii kordhinaysa awoodda Maraykanka.”

Hogaamiyayaasha Yurub, oo ka kooban xubnaha ugu badan ee NATO, ayaa ka walaacsan kaliya mustaqbalka NATO haddii Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu ka adkaado madaxweynaha xilka haya Joe Biden bisha November, laakiin sidoo kale waxay ka walaacsan yihiin sii wadida dhaqaale u raadinta gdagaalka Ukraine kaas oo Congress-ka Maraykanka oo u badan Jamhuuriga ay diidan yihiin.

NATO waxay ku bilaabatay 12 xubnood oo ka kala socda Waqooyiga Ameerika iyo Yurub, xilligii la aasaasay waxay jawaab u ahayd cabsida sii kordhaysay ee Midowga Soofiyeeti uu khatar militari ku yahay dimuqraadiyadda Yurub.

xudunka fikraddaha NATO waa difaaca wadajirka ah, hadii dal ka mid ah la weeraro la difaaco, isku xidhnaanshaha millatariga Maraykanka ee Galbeedka Yurub.

Shan iyo todobaad sano ka dib, waxay leedahay 32 xubnood, waxayna dib u soo ceshatay doorkii dhexe ee arrimaha adduunka ka dib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine bishii Febraayo 2022, taas oo keentay in dawladaha Yurub ay u arkaan Moscow khatar weyn oo ammaan ah.

Labada xubnood ee ugu cusub NATO, Finland iyo Sweden, ayaa ku biiray ka dib intii uu Ruushku uu  duulaanka ku qaaday Ukraine.

Si xor ah ayey u doorteen inay ku biiraan (NATO) iyaga oo ka baqaya gargarada Ruushku uu isku ballaadhinayo dalalka deriska la ah isaga oo diidan is ballaadhinta NATO,” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland Elina Valtonen ayaa tidhi.

Ruushka ayaa Arbacadii sheegay in NATO ay dib ugu soo laabatay maskaxdii dagaalkii qaboobaa. Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Maria Zakharova ayaa u sheegtay warfidiyeenka NATO in aanay meelna ku lahayn “adduunka kala duwan” Moscow waxa ay sheegtay in ay doonayso in ay dhisto si ay u soo afjarto xukunka Maraykanka.

“Dagaalladii ugu waaweynaa ee NATO ee lagula dagaalamayo waa kuwa mustaqbalka, waana inaan u diyaar garownaa,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Lithuania, Gabrielius Landsbergis.