Bukaankii lagu beeray kelida doofaarka oo ka baxay isbitaalkii

0
78

Ninkii ugu horeeyay ee la geliyey Kelida doofaarka ayaa laga saaray isbitaalka.

62-jirkan ayaa gurigiisa loo diray Arbacadii, laba toddobaad kadib markii qalliinkii loogu sameeyay ee Isbitaalka Guud ee Massachusetts (MGH).

Qalliin sidan oo kale dad loogu beeray keli Doofaar ayaa guuldaraystay laakiin qalliinkan hadda waxay saynis yahanadu ku tilmaameen mid taariikhi ah oo laga gaadhay dhinaca beeritaanka.

War-saxaafadeed Arbacadii uu soo saaray cisbitaalka MGH , oo ah cusbitaalka ugu weyn ee Harvard Medical School ee magaalada Boston ee Maraykanka ayaa lagu baahiyey warkan.

Bukaankan oo lagu magacaabo Rick Slayman oo degan Weymouth, Massachusetts, ayaa la daala dhacayey cudurrada kelyaha oo ahaa marxaladdii dhammaadka wuxuuna u baahday xubin.

Dhakhaatiirtiisu waxay ku guulaysteen inay jidhkiisa ugu beddelaan kelyaha doofaarka oo hidde ahaan loo tafatiray, qallinkaas oo socday muddo afar saacadood wuxuu dhacay 16kii Maarso.

Waxay sheegeen in Mr Slayman kelyihiisa ay hadda si wanaagsan u shaqaynaynayaan.

Bayaan uu soo saaray, Mr Slayman wuxuu ku sheegay in awood u yeelashada ka bixida cisbitaalka oo uu tago gurigiisa ay tahay “mid ka mid ah waqtiyadii ugu farxadda badnaa” noloshiisa.

“Waan ku faraxsanahay inaan dib u bilaabo wakhti aan la qaato qoyskayga, asxaabta, iyo kuwa aan jecelahay ee ka madax bannaan culayska xannuunka kelyaha.

Ninkan ayaa Sannadkii 2018-kii, la geliyey keli uu ku deeqay deeq-bixiye dhintay, si kastaba ha ahaatee waxay bilawday in ay guul-darreysato sannadkii 2023, waxaanay dhakhaatiirtu kor u qaadeen fikradda kellida doofaarka.

“Waxa aan u arkay kaliya in ay tahay daw aan ku caawinayo, balse si ay rajo u geliyaan kumannaanka qof ee u baahan tallaalka si ay u noolaadaan,” ayuu yidhi.

Kelyaha doofaarka cusub ee uu helay waxa wax ka beddeshay shirkadda dawooyinka ee Cambridge ee fadhigeedu yahay eGenesis si ay meesha uga saarto ” hiddo-sidaha doofaarka ee waxyeellada leh si loo hagaajiyo la jaanqaadka aadanaha,” ayay tidhi

Hawsha.

Dalka maraykanka waxa ka jira baahi weyn oo dhinaca xubnaha ah in ka badan 100,000 Maraykan ah ayaa u baahan xubno lagu tallaalo.

Dhanka kale, tirada deeq-bixiyeyaasha – dhintay iyo kuwa nool – ee 2023 waxay ka yaraayeen 23,500.

Waxaa lagu qiyaasaa in 17 qof ay maalin kasta ku dhintaan gudaha Maraykanka iyaga oo sugaya xubin, kelyuhuna waa xubinta ugu badan ee loo baahan yahay in la beddelo.

Iyada oo tani ay tahay kelyaha doofaarka ee ugu horreeya ee lagu beero bini’aadam, ma aha xubinta doofaarka ee ugu horreysa ee loo isticmaalo habka tallaalka.

Laba bukaan oo kale ayaa helay beerista wadnaha doofaarka , laakiin hababkaas ayaa lagu guul darraystay maadaama dadka qaata ay dhinteen dhowr toddobaad ka dib.

Hal kiis, waxaa jiray calaamado muujinaya in habka difaaca bukaanku uu diiday xubinta, taas oo ah khatarta caadiga ah ee ku-tallaalidda.