Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyaay Somaliland

0
55

Hargaysa (Dawan) wefti ka socda dalka Ingiriiska oo isugu jira Xildhibaano, Diblamaasiyiin, Wariyayaal iyo muwaadiniin Ingiriis ah oo u dooda qadiyada madax banaanida Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Caasimadda Hargaysa.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweysay wefti heerkiisu sarreeyo oo ka socda dalka boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimi dalka Somaliland.

Weftiga ayaa waxa hoggaaminayay Alexander Stafford iyo Tim Loughton oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Waxa kale oo labada xildhibaan weftiga ku wehelinayay saxafiyiin caalami ah iyo xubno kale oo u dhaqdhaqaaqa qadiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wefitigan heerkiisu sarreeyo oo Somaliland u yimi booqasho xaqiiqo raadin ah, ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona dalka iyaga oo kulammo la yeelan doona masuuliyiinta sarsare ee dalka.

Weftigan ayaa inta ay dalka ku sugan yihiin waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaanay diirada saari doonaa qaabka is dhexgalka bulshada iyo sida ay shacabka Somaliland ugu heelan yihiin in qarankoodu helo aqoonsi.

Ma aha markii u horeysay ee Wefti ka socda dawlada Boqortooyada Ingiriisku soo gaadhaan Somaliland, balse waa xidhiidh ka dhexeeya labada dal, kaasi oo ay ka wada shaqeeyaan danaha labada dhinac.