Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag oo cambaareeyay go’aanka dhalanteedka ee ka soo yeedhay Wasiirrada dawladda Muqdisho.

0
59

Hargeysa(Dawan) :-Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Maamulka  Soomaaliya
Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talo-wadaag Ibraahim Mahdi Buubaa  ayaa waxa uu ku tilmaamay   riyo-maalmeed iyo mid xaqiiqda ka fog  go’aanka ka soo baxay Soomaaliya ee ahaa in la xidho Safaarada dawlada Itoobiya ku leedahay Somaliland.

Waxaana uu u dhignaa Sidan.

War Saxaafadeed:

“Mawqifka Urur Siyaasadeedka Talo-Wadaag ee ku aaddan go’aamada dhalanteedka ah ee Muqdisho.

Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag, waxa uu si weyn u cambaaraynayaa go’aanka dhalanteedka iyo riyada xaqiiqda aadka uga fog ah ee golaha wasiirrada dawladda aan Muqdisho wada maamulin ee Soomaaliya ku sheegeen in la xidho safaaradda Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ay ku leedahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag, waxa uu go’aankaas u arkaa riyo-maalmeed iyo wax aad loogu qoslo, isla markaana sii qaawinaya fashilka, dayowga iyo guuldarrada siyaasadeed ee ku habsaday maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ceel dheer ku sii tuuray rajadii laga qabay in Soomaaliya yeelato nidaam dawladeed macno leh, sidoo kalena niyad-jab iyo quus ku riday beesha caalamka oo muddo soddon sannadood ah dedaal aan kala joogsi lahayn ugu jiray dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag, waxa uu caddaynayaa, caalamkuna markhaati buuxa ka yahay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay qaran dhinac kasta ka dhismay tan iyo markii uu madaxbannaanidiisa la soo noqday sannadkii 1991kii.

Sidaa darteed, Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag waxa uu markale xaqiijinayaa in go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka soo baxay yahay ‘Lax gowracan geedka kama baydho’ iyo jar-iska-xoornimo lala yaabo, isla markaana aan haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelanayn arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo macaamilkeeda dawladaha adduunka.”