Hoggaanka Taliban oo ku adkaysanaya in aanay ka tegayn maamulka Islaamiga ah ee Afgaanistaan

0
130

Hogaamiyaha ugu sareeya Taliban ayaa meesha ka saaray wax tanaasul ah oo ku aadan maamulkiisa Islaamiga ah ee Afgaanistaan ​​inkasta oo dhaleeceyn joogto ah oo caalami ah lagu hayo, iyada oo loogu baaqayo in ay joojiyaan xayiraadaha ballaadhan ee lagu hayo haweenka.

Hogaamiyaha Hibatullah Akundzada oo Arbacadii khudbad u jeedisay kumanaan qof oo ku tukanayay salaadda Ciidul-fidriga masjidka dhexe ee ku yaalla koonfurta magaalada Qandahaar ayaa sheegay in ku joogaan sharciga Alle iyo xuduudiisa.

“Haddii ciddi wax nagal hadlayso, waan u furannahay inaan xallinno, laakiin marnaba ka tanaasuli mayno mabda’ayada ama Islaamka. Isla markaana Islaamka sharaf dhac uma ogolaan doono,” ayuu Akhundzada ku yidhi khudbadiisa isaga oo ku hadlayeyafka Pashto-ga ah taas oo laga sii daayey idaacada Afqaanistaan ​​ee ay dawladdu maamusho. “Xitaa tallaabo ku xad-gudbimayno shareecada Islaamka”. Ayuu sii raaciyey.

Akundzada ayaa sida muuqata ka jawaabayay dhaleecaynta joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo wadamada reer galbeedka ee ku aadan go’aanka adag ee Taalibaan ee Islaamka loo isticmaalo in lagu maamulo Afgaanistaan oo ay ku jirto karbaashka dadweynaha iyo dhagaxa lagu dilo haweenka gogoldhaafka ah.

“Anigu waxaanu fulinaynaa Xudduudka Eebbe. Waxay ka soo horjeedaan xuduudii Ilaahay, iyaga oo leh dhagax-ku dilka iyo gacan-goynta, waxay ka soo horjeedaan xuquuqda Aadamaha ee Ilaahay dhigay. “Ma waxaad naga filaysaa inaan raacno sharciyadiina aad samaysateen oo aan ka tagno ka Ilaahay,” Akhundzada ayaa yidhi. “Islaamku waa diin rabaani ah oo mudan in la ixtiraamo, laakiin taa beddelkeeda waad caayaysaan,” ayuu raaciyay.

Sida diinta Islaamku qabto, Xuduud waa xeer iyo ciqaab uu ilaah ku tilmaamay quraanka kariimka ah ee kitaabka muslimka ah.

Akhundzada wuxuu sheegay in dalalkii ka qaybqaatay duulaanka militari ee uu Maraykanku hogaaminayo ee Afgaanistaan ​​ay wali dalkiisa ku bar-tilmaameedsanayaan “dacaayad” iyo “tabo xun” si ay u aflagaadeeyaan xukunka Taliban.

“Waxay eedeeyaan madaxdiina, iyaga oo ku andacoonaya in aanay awood u lahayn inay dalka maamulaan. Gaaladaani yaanay idin marin habaabin” ayuu yidhi. Feejignaw oo ka digtoonow xeeladahooda khiyaanada leh. Hadafka ugu dambeeya waa inay arkaan inaan guuldarraysano.”

Taliban ayaa hakiyay waxbarashadii gabdhaha Afgaanistaan ​​wixii ka dambeeya fasalka lixaad wuxuuna ka mamnuucay haween badan goobaha shaqada ee guud iyo kuwa gaarka ah, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee gargaarka. Dumarka waxaa sidoo kale ka mamnuuc ah inay booqdaan goobaha dadweynaha sida jardiinooyinka, jimicsiga, iyo meelaha lagu qubeysto.

Akhundzada ayaa difaacay go’aamadii uu soo saaray, isaga oo sheegay inay la safan yihiin dhaqanka iyo Islaamka Afqaanistaan.

Taalibaan waxay xukunka ku soo laabatay Agoosto 2021, markii ay burburtay dowladdii Afqaanistaan ​​oo markaas caalamka taageero ka heli jirtay, dalalka reer galbeedka ee uu Maraykanka hoggaaminayayna waxay la baxeen dhammaan ciidamadooda ka dib ku dhawaad ​​20 sano oo ay ku lug lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Talibanka fallaagada ah ee xilligaas.

Maamulka Afgaanistaan ee Taaliban oo hadda ah xaqiiqo jirta (De facto) ​​ayaa tan iyo wakhtigii ay soo laabteen goob fagaare ah ku karbaashay boqolaal rag iyo dumar isugu jira oo ku sugnaa garoomada ciyaaraha iyada oo ay joogeen kumannaan qof oo daawanayay. Dadka waxaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin xatooyo, dhac, sino iyo “dambiyo kale oo anshaxeed” oo ay maxkamado xukumeen.

Hogaamiyaha Taliban ayaa dhif iyo naadir ah inuu ka tago Kandahar oo uu ka taliyo dalkaas.

Beesha Caalamka ayaan aqoonsi rasmi ah siinin xukuumadda Taalibaan laakiin waxay tartiib ah ugu sii socdaan hogaankooda adag, waxaana sii koraya Amniga iyo dhaqaalaha dalkaa.