Xadiiska Rasuulka (Scw)

0
54

Saxaabiga Abuu Hureyra (Rc) wuxu Rasuulka Allah (scw) ka weriyay inu yidhi “ Qofkii ka fayda (ka dulqaada) qof mu’min ah kurbo (dhibaato) ka mid ah dhibaatooyinka dunida, isagana Allah (sw) wuxu ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha,

Qofkii xoolo u gooya qof sabool ah, isagana Ilaahay baa xoolo gooya ifka iyo aakhiraba, Qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana Allaah (sw) ayaa ceebihiisa qariya (astura) if iyo aakhiraba,

Qofkii jid mara isagoo cilmi doonaya llaahay baa u fududeeya Jidka Jannada loo maro. Allah (sw) wuu u gargaaraa adoomadiisa inta qofku u gargaarayo walaalahiis.

Haddii ay kooxi ku kulanto guri ka mid ah guryaha Ilaahay iyagoo akhrisanaya Qur’aanka oo is-baraya, waxaa ku soo degeya xasilloonaan,waxaa daboolaysa naxariista Allah, malaa’iktuna way la safanaysaa, llaahayna (sw) wuxuu ku xusayaa agtiisa. Qofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo”.     (Waxa weriyay Muslim)