Adiga Ayay Kugu Xidhantay Isbedelka Noloshaadu!

0
49

Subaxdii  hore  markii ay shaqaalaha shirkadu  yimadeen goobta shaqada, waxa ay ku arkeen Albaabka muhiimka ee laga galo Shirkadda boodh ay ku qoran tahay ogaysiis ah :” Xalay waxa dhintay qof hortaagna horumarkaaga iyo horumarka shirkadda, waxaan rajaynayaa inaad iman doontan hoolka Maydku yaallo”.

Markiiba shaqaaluhu aad ayay uga  naxeen dhimashada mid ka mid ah shaqaalahooda, oo haddana weliba la dhaliilayo.  Shaqalaha aya bilaabay inay line u galaan hoolka uu yaalay naxashka uu ku jiray qofka la sheegay inuu dhintaysi ay u arkaan,

Qolka hoolka  waxa amaankiisa la wareegay ciidanka shirkada, waxaana ay qof kasta markiisa u sii daayeen si uu arko naxashkaasi. Xubin kasta marka uu eego Naxashka waxa uu noqdaa mid yaaban oo aan hadli karayn. Maxaa ku jiray naxashka?

Kafanta naxashka dhex taallay waxa ku jiray Muraayad uu qof kastaa iska arkayo isaga uun muujinaysa, waxaana dhinac yaallay  boodh yar oo ay ku qorayd:  “ Dunidan waxa jira hal qof  oo keliya oo xaqiijin kara hadafkaaga iyo riyadaada kaasina waa ka muraayadda kaaga muuqda waana adiga laftaada, ”.

Noloshaadu isma bedelayso haddii la bedelo maamulahaaga, saaxibada, gabadhaada  ama goobta shaqada. Noloshaadu waxay is bedelaysa marka aad adigu is bedesho.  Haddaba ka faa’iidayso awoodahaaga hana ka baqan culaysyada noloshu leedahay. Horumarkaagu waxa uu ku jiraa fikirkaaga, dadaalkaaga iyo guud ahaan awoodahaaga.