Sidee Ayaad Bulshada U Qiimaysa?

0
48

Jai Singh Prabhakar waxa uu ahaa amiirkii Hindiya intii u dhaxaysay 1882-1937, waan wiilkii keliya ee uu dhalay boqorkii Sir Mangal Singh Prabhakar Bahadur. Amiirka Jai Singh waxa uu ahaa nin maskax badan.

Sanadkii 1920 ayuu booqasho ku tegay London boqor Jai Singh Prabhakar, isagoo dhex maraya Suuqyada London oo dhar caadi ah xidhan, ayuu si kedis ula kulmay Macrad lagu iibiyo baabuurta. Ninkii madaxa iibka ahaa ayuu weydiiyay noocayada baabuurta ugu danbeeyay iyo qiimahooda oo macradka ka muuqday.

Madaxa Iibka ayaa u qaatay inuu yahay Hindi Sabool ah oo wakhtiga ka luminaya baayacaadda, wax jawaaba isagoon siin ayuu ku yidhi iska tag baabuurtan lacag goysa ma haysatide!, waana uu ka saaray Macradka.

Boqorka ayaa ku laabtay Huteelkiisa, ka dibna la soo xidhiidhay macradka si qaabilaad ugu sameeyaan. Markii u tegayay wuxu sii xidhay dharkiisii quruxda badnaa waxaana uu ka codsaday inay ka iibiyaan 6 gaadhi oo nooca qaaliga ah ee ugu danbeeyay oo Rolls-Royce ah oo wakhtigaasi soo baxay madaxduna gaar uu iibsan jirtay. Markii uu iibsadayna dalkiisa ayuu rartay.

 

Markii uu dalkiisa geeyay ayuu goโ€™aansaday in gaadiidkan lagu guro xashiishka iyo bulaacadahaย  magaalada si uuย  bahdilo ย Macradka u haysta inay yihiin gaadiidka ugu danbeeyay oo aan qiimahooda la goynayn.

Warbaahinta ayaa arinka ka war heshay ooย  si weyn u qaada dhigatay ilaa ay noqdeen gawaadhida ugu caansan ee xashiishka qaada taasi oo keentay in qiimahooda hoos u dhaco shirkaduna khasaaro ku gasho. Shirkada ayaa cudur daarย  weyn siisay boqorka waxayna magadhow u siisay 7ย  gaadhi oo kale iyagoo ka codsaday inuu ka daayo xashiishka. Weligaa dadka Qadari oo xaqirin, qof kastaa qiimo waa uu leeyahay, mana ah dharka uu xidhan yahay iyo muuqaalkiisa guud. (Indian Newspaper)