Wareerka Haysta Urdun, Dalka Kaliya ee Carbeed ee Qaybta ka ah Hawlgalka ay Israa’iil Isaga Waabinayso Iiraan

0
84

Hal mar oo aad eegto khariidadda bariga dhexe ayaa kaaga filan in aad fahamto meesha mixnadda ah ee ay ku taallo.

Dalkan yar ee carbeed ayaa ku yaalla marinka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan oo ah laba awoodood oo is neceb , lugahana la sii galaya xiisad sii huraysa, taasoo khatar ku ah in ay qarxiso dagaal gobolka iyo dunidaba ka dhaca.

Dagaalka labadaas dal ka dhaxeeya ayaa meel ciriiryoon galiyey Cammaan.

Sabtidii ayey Iiraan ku weerartay Israa’iil dayaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo sawaariikh, ayadoo miliishiyooyinka gacan saarka la lehna ay u dhaqaaqeen dhinaca Israa’iil, ujeedadooduna waxay ahayd inay ka aargoostaan weerarkii lagu burburiyey qunsuliyadda Iiraan ee Dimishiq, halkaasoo ay dhowr jeneraal kaga geeriyoodeen.

Ciidanka cirka ee Urdun waxay qaadeen hawlgal ay hawada kaga qabanayaan sawaariikhda iyo dayaaradahaas drone-ka ah ee Iiraan ay ku ridday Israa’iil.

SIda ay ku warramayso warbaahinta Ameerikaanka, laba dal oo carbeed oo kala ah Sacuudiga iyo Iimaaraadka Carabta ayaa ku caawiyey xog sirdoon, laakin Urdun waa dalka kaliya ee ciidankoodu uu Israa’iil ka qabtay gantaalihii ku socday ee Iiraan ay soo ridday.

Inkastoo talaabadaas aanay la yaab ku noqon Maraykanka iyo Ingiriiska, waxay filan waa ku noqotay in badan oo Israa’iil ay ka mid tahay.

Walow ay Urdun ka mid tahay dhowr dal oo carbeed oo cilaaqaad rasmi ah la leh Israa’iil, misna boqortooyadaas Haashimiyiinta waxay ka mid ahayd dalalka aadka u cambaareeyey faragelinta milateriga Israa’iil ee Qasa, xidhiidhka ay la leedahayna wuxuu marayaa meeshii ugu xumayd muddo sanooyin ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Haysan Afami wuxuu Israa’iil ku eedeeyey inay gaysatay „dambiyo dagaal”, wuxuuna ku dhawaaqay in dalkiisu uu taageeri doono kiiska isir sifayska ee ka dhanka ah Israa’iil, kaasoo ay Koofur Afrika ka furtay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda.

Bishii Nofambar ayaa Urdun waxay dib ula laabatay safiirkeeda Israa’iil, ayagoo ka cadhaysan ficillada ay askartoodu ka samaynayaan Qasa, waxayna xukuumaddu joojisay heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee biyaha iyo tamarta qorraxda.

Waxaa lagu qiyaasaa in kala bar shacabka Urdun ku nool ay qaxooti Falastiiniyiin ah yihiin, ama faraca dadkii xusuusnaa dagaalladii Urdun ay la dagaallamaysay Israa’iil tan iyo 1948.

Haddaba maxay ciidanka Urdun ugu dhaqaaqeen inay joojiyaan weerarka Iiraan ee ka dhanka ahaa Israa’iil.

Waa dal baaxadiisa lagu qiyaaso 89,000 oo KM oo isku wareeg ah, waxaana ku nool dad ay tiradoodu in yar ka badan tahay 1.1 malyan oo qof.

Dalku khayraadka uu leeyahay ma badna wuxuuna inta badan aad ugu tiirsan yahay iskaashiga caalamiga. Wuxuu taageero balaaran ka helaa hay’adda IMF iyo Maraykanka, Midowga Yurub iyo boqortooyooyinka hodanka ah ee khaliijka.

Dhanka amniga wuxuu ku tiirsan yahay kaalmo shisheeye.

Boqor Cabdalla oo dalkaas siyaasadiisa maamula wuxuu ku naaloonayaa saaxiibtinimo muddo dheer kala dhaxaysa Washington iyo bahwadaagta caalamka, sidii ay xidhiidhkaas u joogteyn jireen raggoo boqortooyadaas Haashimiyiinta soo maamuli jiray.

Ghaith al Omari wuxuu ka tirsan yahay machadka Washington, waa xarun cilmi baariseed oo ku takhasustay bariga dhexe, wuxuuna BBC u sheegay in „go’aanka falka Iiraan talaabada looga qaaday waa mid aad loo miisaamay, ayadoo laga eegay dhanka Ameer ikaanka oo ah bahwadaagta ugu weyn ee carabtu leeyihiin. Urdun waxay Israa’iil u aragtaa damaanad qaadaha ugu weyn ee amnigeeda marka lagu daro Maraykanka” ayuu yidihi.

“Israa’iil iyo Urdun wuxuu mid kasta kan kale muhiim ugu yahay dhanka amnigiisa. Waa arrin ay milateriga labada dhinac ay wada fahamsan yihiin, waana middaas tan keentay in iskaashi difaac uu muddo dheer ka dhaxeeyo. Iskaashiga ayaa isugu jira, sida ay khubaradu sheegayaan xogta oo la wadaago, iyo Israa’iil inay gacan ka siiso Urdun weerarrada ay ku qaaddo bartilmaameedyada gudaha Suuriya oo aanay iyadu si iskeed ah ku beegsan karin.

Waa sidee xidhiidhka Urdun iyo Iiraan

Al Omari wuxuu leeyahay “aragtida Iiraan ee gudaha urdun wakhtigan waa mid taban. Dambiyada iyo tacaddiyada ay Suuriya ka gaysteen kooxaha ay Iiraan taageerto ayaa la xusuustaa, waxaana la rumaysan yahay in ay isku dayayaan inay khalkhal galiyaan Urdun, arr in qayb ka ah istaraatijiyada goboleed ee ka dhanaka ah Israa’iil iyo Maraykanka”.

Tehran waxay taageeraysay kooxo kuwaas la mid ah oo muddo sanooyin ah ka jiray Lubnaan, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq, wax loogu yeeray „dhidibbada wax iska caabinta” ee ka horjeeda Israa’iil iyo Maraykanka.

Kooxda Xisbullah ee Lubnaan ayaa ah tan ugu cadcad, laakin dhamaan kooxahaas waxay Israa’iil u arkaan cadawgooda koobaad.

Walaaca ugu weyn ee maamulayaasha Urdun ayaa ah sababta ay Iiraan u doonayso hanaankaas oo kale inay Urdun ka dhaqan galiso.

Waa middas sababata uu Abu Cali al Askari, Afhayeenka miliishiyada Ciraaq ee Iran u janjeerta, Miliishiyada Kataa’ib Xisbullah, uu welwel u abuuray isagoo sheegay in kooxdiisu ay awood u leedahay inay siiso hub isugu jira sawaariikh iyo gantaallada lidka taangiyada ilaa 12,000 dagaalyahan oo ku sugan gudaha Urdun, kuwaasoo ka qayb qaadan kara difaaca “Walaalaha reer Falastiin”.

Maxay Urdun samayn doontaa haddii Israa’iil ay u jawaabto Iiraan.

Inkastoo ay joojisay sawaariikhdii loo waday, haddana Israa’iil si dhab ah uma qaadan karto taageerada aan shuruudda ku xirnayn ee Urdun.

Dhowr dal oo carbeed ayaa baraha bulshada cod sare ugu sheegay boqor Cabdalla inuu iskaashi la samaynayo “cadawga”.

Isu dheellirka aadka ugu adag ee Urdun oo ka mid ah dhowr dal oo carbeed oo Israa’iil aqoonsan, wuxuu aad ugu sii adag yahay xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Arrinta ugu adag weli ma aanay imaan. Haddii, waa sida uu sheegay mid ka mid ah taliyeyaasha ciidanka, ay Israa’iil ka jawaabto weerarka Iiraan, oo ay soo riddo sawaariikh dul maraya hawada Urdun, xukuumadda waxay sii gali doontaa meel aad ciriiri u ah, oo ka sii daran markii ay Iiraan weerarka qaadday.