Halista Nuclearka Iyo Burburka Caalamka!

0
51

Khabiirka  J.Robert Oppenheimer waxa uu caan ku ahaa “Aabaha Nuyukliyerka” , waa asaasaha hubka halista ah , waxaana uu ku dhashay Newyork (Maraykanka) bishii April 22, 1904.  Madaada Phyisika ayuu ka dhigi Jaamacadda California Berkeley ee dalkaasi.  Markii ay curatay fikradda samaynta hubka halista ah waxa waxa uu madax ka ahaa shaybaarka Los Alamos Laboratory oo wakhtigaasi tijaabooyinka waaweyn lagu samayn jiray. Markii uu Jarmalku weerarka ku qaaday dalka Poland sanadkii 1939 oo uu bilwday dadgaalkii 2aad, ayaa loo magacaabay inuu madax ka noqdo shaybaadhka mashruuca Manhattan ee sameynta hubka Nukliyeerka.  Mashruuca Manhattan waa barnaamijkii lagu soo saaray hubkii ugu horreeyay ee Nukliyeer ah oo dalka Mareykanku uu yeesho.

Markii uu arkay khabiirka Robert Oppenheimer awoodda wax burburineed ee Bamka Nuyukliyerku leeyahay waxa  uu diiday inuu sii horumariyo oo halkaasi dhaafiyo, isla sanadkiina xilkii uu hayay ayuu iska casilay.

Wahktigaasina waxa uu yidhi :” Waxaan noqday geerida iyo burburiyaha caalamka”. Ma doonayo shaqdan gumaadka Aadamiga sababta u ah.  Waxa kale oo uu yidhi halkudhiga ah “Qof kasta oo khaladkiisa ay ku qaadato toban sano sidii uu  sixi lahaa waa nin”. Sanadkii 1963 ayuu ku guulaystay abaalmarinta “Enrico Fermi” waxaana guddoonsiiyay madaxweynihii wakhtigaasi ee lagu magacaabi jiray Lyndon Johnson. Sanadadii noloshii ugu danbeeyay waxa wada shaqeyn la lahaa ururka caalamiga ah ee xakameynta hubka Nukliyeerka, isagoo ka soo horjeeday in horumar lagu sameeyo. Waxa uu ku dhintay bishii Feberweri 18, sanadkii 1967 Princton , New Jersey ee dalka Maraykanka isagoo u dhintay xanuunka Kansarka oo cunaha kaga dhacay.