Xikmadaha

0
40

“Nebi Muse (cs) isagoo Ilmo yar ah ayay badu badbaadisay oo nabad galisay, Fircoona isagoo awood badan oo ciidan xoogan wata ayay badu qarqisay, maaha awoodaada, xikmadu waa in Allah (sw) kula jiro”.

 

“Hadii aad doonayso inaad saaxiib barato safar u raac, waxa kuu muuqan doona wax kasta oo uu qariyo, safar waxa loo yidhi waxa ku raaca akhlaaqda iyo anshaxa aad leedahay”

 

“Hadii dadku ku soo weeraraan adigoo xaq ku taagan , farax  maxaa yeelay waxay qirayaan inaad guulaysatay oo aad wax raadinayso, waayo  bakhtiga qofna ma dhibaateeyo”

Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen dad badan qalbigiina xumaanta ka maydha  intaanad maydhin jidhka sare.