Beesha Caalamka oo Baaq ka soo Saartay Doorashooyinka JSL

0
74

 

Hargeysa (Dawan)- Dalalka Beesha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyay cayimaada rasmiga ah ee doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasada ee dalka ka qabsoomi doonta 13ka Bisha November ee sannadkan 2024.

Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen dalalka Denmark, EU, Garmany,Norway,Sweden iyo UK, ayay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan cayimaada rasmiga ah ee wakhtiga doorashooyinka Somaliland ee Guddida doorashooyinku soo saareen iyo digreetadii Madaxweynaha Somaliland ku dhaqan geliyay muddada doorashooyinku ku qabsoomayaan.

“Waa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan xaqiijinta in doorashooyinka Somaliland qabsoomaan 13 November 2024,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka beesha caalamka

Waxa kale oo ay intaas ku dareen “Waxaan ku celinaynaa heellanaantayadii ku wajahnayd in aanu la shaqeynayno komishanka.”

Beesha caalamku waxa ay daneeyeyaasha doorashooyinka ugu baaqeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay Somaliland uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo la xurmaynayo wakhtiga la cayimay iyo jidwalka waqtiyaysan ee doorashooyinka.