Wasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Imtixaanaadka oo hortagey Guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada

0
56

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo guddida xafiiska imtixaanaadka Qaranka ayaa hor tagey guddida arrimaha bulshada ee golaha Wakiillada JSL.

Masuuliyiintan waxa xarunta golaha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada mudane Axmed khaliif Jaamac Saalax iyo xubnaha guddidaasi.

Guddida ayaa warbixin la xidhiidha adeeg bixinta waxbarashada iyo hawlaha imtixaanka ka dhegeystay wasiiirka iyo guddoomiyaha.

Geesta kale guddidu guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka waxa ay la wadaageen Xeerka xafiiska Imtaxaanaadka oo ay Guddidu diyaarisay.

Gaba-gabadii su’aalihii ay guddidu weydiisay wasiirka iyo guddida imtixaanaadka ayaa mid mid uga jawaabay, isla markaana faahfaahin ka siiyay geedi socodka waxbarasho.