Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo ka Qayb Galay Xuska Munaasibadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka

0
102

Hargaysa (Dawan) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Shirre Saylici ayaa ka qayb galay, munaasibada Hargaysa lagu xusayay xuska maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha aduunka.

Munaasibada ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somlailand, waxaana ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland, shaqaalaha kala duwan ee dalka iyo marti shafar aad u badan.

Dulucda xuskan ayaa ahaa sidii loo dhiirigalin lahaa dhammaan shaqaalaha kala duwan sida shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha rayidka ahba, waxaana madashaasi laga soo jeediyay hadalo dhiirigalin u badan iyo sidoo kale dardaaran loo jeedinayay shaqaaluhu inay u gutaan waajibaadkooda shaqo si wanaagsan.

Xuska maalinta shaqaalaha aduunka ayaa waxa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaanu ku booriyay shaqaalaha dalka inay ka qayb qaataan horumarka Qaranka, kana jiranaan dalkooda waxyeelada.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa shaqaalaha ku booriyay in qof kastaa uu dhankiisa kaga filnaado Qaranka hawlsha uu kaga began yahay, waxaanu sheegay inay shaqaaluhu yihiin laf dhabarta dalka iyo halka ugu muhiimsan dalka.

Waxaanu yidhi.“Dal kasta oo shaqaynaya waxa u laf dhabar ah shaqaalaha, haddii uu yahay ka u sareeya ilaa ka u hooseeya, wxaa loo baahan yahay dhammaanteen in xil la iska saaro nin walba halka uu Qaranka kaga aadan yahay, hawsha uu Qaranka u hayo in uu ilaaliyo oo uu xafido amaanadeeda, hagaajinteeda, dhawrideeda.

Haddii aad Qaran maqasho waa Dooni la wada saaran yahay, markaa qof kasta oo shaqaale ahni waa inuu Qarankiisa ka ilaaliyaa in aanu dagin oo uu ka awdaa gol daloolooyinka”.