“Waxay shacbiga Somaliland wax ku kala dooranayaan yaa qaranimada Somaliland lagu aaminayaa,”.Wasiir Buuni

0
60

Hargeysa( Dawan):-Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka  Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in shacabka Somaliland  doorashada  Madaxtooyadda ay ku kala dooran doonaan cidda lagu aaminayo qaranimada.

Wasiirka  Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha dastuurka  Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa intasi ku daray in codka shacabka aanu oolin xafladaha.

Cabdinaasir  Buuni oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Doorashadda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ka dhacaysa dalka ee qorshaysan waxa ku tartamaya saddex xisbi qaran,waxayna shacbiga Somaliland ku kala dooranayaan taariikh ku salaysan. yaa  qaranimada Somaliland lagu aaminayaa.waxaanan soo bandhigaynaa  Barnaamij siyaasadeed ee codka shacabku ma yaalo xafladaha ama goobaha hablaha lagu bixiyo,”.