Sidee Ayay Uga Gudbeen Gaajadii Iyo Saboolnimadi!

0
68

Maanta wax cad in Maraykanku uu yahay dawladda dunida ugu horaysa dhaqaale iyo quwadda ciidanba. Sanadkii hore 2019 dhaqaalaha Maraykanku wuxu ahaa 19 trillion dollars, maaha wax cusub taasi jagadan Maraykanku wuxu adkaysanayay tan iyo sanadkii 1955.

Laakiin sidee ayay xaaladda Maraykanku ahayd sebeneadii loo yaqaanay niyad jabka Maraykanka. Waagaa  Maraykanku waxa uu ahaa dawlad aad u liidata oo oo daciif ah.

Sanadkii 1929 ayuu ku bilaabmay niyadjabku shacbiga Maraykanku waxaana uu dhamaaday bilowgii afartanaadkii.  Dadka taariikhda qoraa waxay xuseen in niyadjabkaasi si rasmi ah u dhamaaday sanadkii 1943. Iyadoo halkaa uu ku soo xidhmay 14 sanadood oo shacbiga Maraykanku ay ku jireen gaajo, saboolnimo, shaqo la’aan iyo hoy la’aan.

Wakhtigaasi waxa saboolnimadu gaadhay in hooyadu xataa ay iib usoo bandhigto caruurteeda si ay u hesho dad u quudiya oo daryeela.   Dhibaatada dhaqaale xumo waxa Maraykanka ka saaray oo xalkeeda gaadhay madaxweynahii Maraykanka ee  Franklin D. Roosevelt kadib markii uu dib u habeyn ku sameeyay dhaqaalaha dalka oo lagu magacaabay “ nidaamka cusub”.

Nidaamka Cusub waxa uu ahaa barnaamijyo iyo mashaariic taxane ah oo la dejiyey intii lagu jiray niyad jabkii weynaa waxaana uu ugu talo galay Madaxweyne Franklin D. Roosevelt in lagu soo celiyo barwaaqo dalka Maraykanka.

Mudada wixii ka danbeeyay dhaqaalaha Maraykanku kor ayuu kacay ilaa uu gaadhay heerka uu maanta taagan yahay . Wakhtigan  Maraykanku waa waddanka ugu tirada badan maalqabeenda  dunida “millionaires iyo bilyaneerada”  waxaana u weheliya awoodda siyaasadeed iyo ciidan oo uu iyadan hogaanka hayo.

Dal kastaa waa uu soo maray dhaqaale xumo iyo saboolnimo laakiin dadaal, karti iyo sabirka ayuu kaga gudbaa.