Gefkaaga Adigaa Saxan Karaya!

0
59

Lamaane wada joogay ayaa ka guuray gurigii ay degenaayeen iyagoo degay mid kale. Subixii maalintii koowaad ayay gabadhu muraayada daaqadda jaarkeeda ka eegtay waxaana ay odaygeed ku tidhi โ€œ Reerkan dharka ay wadheen waa wada uskag , maxay u nadiifin waayeen, miyaanay maydhista aqoonโ€.

Sidaas ayay gabadhu marka muraayada ku beegan ka eegtaba ay aad ula yaabaysay marayaha uskaga ah ee ay wadheen. Subaxii danbe ayay eegtay waxaana ay aragtay iyagoo dharkii nadiif ah markaasi ayay k,u tidhi ninkeeda โ€œ Hadda ayay barteen sida wax loo maydho oo maryahoodu aanay uskag ahayn โ€œ.

Subaxaasi ninkeeda oo arinka aad u fahansaa ayaa goor hore kacay oo nadiifiyay daaqadii muraayada ahayd ee ay ka eegi jirtay. Waxaana sababtu ahayd daaqada ay ka eegaysay ayaa wasakh iyo uskaga lahayd, taasi ayay mar kasta u qaadan jirtay inay dharkooda tahay oo aanay maydhista aqoon.

Ninkeeda ayaa u sheegay inay arintu ahayd uskaga daaqadda ah ee aanay ahayn dharka. Sidaasi ayaynu marara badan khalad aan inagu leenahay dadka kale ugu riixnaa. Ogowna qofka dadka daba gala murugo ayuu ku dambeeya .