Hoos u Dhac ku Yimi Shirkadda Gawaadhida ee Tesla ee Elon Musk

0
109

In ka badan toban sano gudahood, shirkadda Tesla waxay isu beddeshay mid tignoolojiyadeed, waxa ay caan ku tahay soo saarista gawaadhida, balaayiin ayay galisay ganacsigeeda tamarta nadiifka ah, waxayna ogaatay in qiimaheeda suuqa uu cirka isku shareeray.

Laakiin shirkaddu waxay hadda la ildaran tahay hoos u dhac ku yimid iibka baabuurteeda, sababta ayaana lagu sheegay inuu tartan adag kaga imanaya gawaadhida Shiinaha ee uu soo saara. Intaas waxaa u dheer dhibaatooyin ay shirkadda kala kulantay ay la kulmeen gaadhiga noocisa uu yahay “Cyber Truck”, kaas oo warar badan laga faafiyay.

Hoos u dhaca iibku wuxuu saameeyay dakhliga Tesla wuxuuna dhaawacay faa’iidada shirkadda. Qiimaha saamigeeda ayaa hoos u dhacay in ka badan rubuc tan iyo bilowgii sanadkan. Shirkadda ayaa hoos uga dhacday qiimihii ay ku lahayd suuqyada muhiimka ah waxayna ku hawlan tahay inay shaqada ka joojiso ilaa 14,000 oo shaqaale ah.

Tesla ma si lama filaan ah ayay u fashilantay? Waa su’aal ay dad badani is weydiinayaan. “Waxay ku saabsan tahay jebinta awoodaha, sidaas waxaa u sheegay daawadayaasha sida gaarka ah loogu casuumay warshadda Tesla ee California bishii Juun 2012-kii.”

Waxa uu intaa ku daray: “Caalamku waxa ay ka fikirayeen in baabuurta korontadu aanay la mid noqon karin baabuurta shidaalka ku shaqeeya.” Waqtigaas, baabuurta korantada ayaa lagu sifeeyay inay yihiin kuwo gaabis ah, aan macquul ahayn, iyo baaxaddooda oo aad u xaddidan.

Tan iyo markaas, Tesla waxay soo saartay afar nooc oo dheeraad ah. Tesla hadda waxay leedahay warshado baabuur oo waaweyn oo ku yaalla Shanghai iyo Berlin, marka lagu daro xarunteedii asalka ahayd ee Fremont, California, iyo tiro goobo kale oo Mareykanka ah.

Sannadkii hore, shirkaddu waxay keentay 1.8 milyan oo baabuur ah, taasoo muujinaysa inay si adag u dejisay mawqifkeeda wax-soo-saar ee suuqa adduunka. Laakiin sida uu qabo Professor Peter Wells, oo ah maamulaha Xarunta Cilmi-baarista Warshadaha Baabuurta ee Jaamacadda Cardiff, taasi waa qayb ka mid ah dhibaatada. “Markii Tesla ugu horreysay ee ay soo baxday, waxay haysteen wax soo saar cusub oo xiiso leh, maamule soo jiidasho leh, shirkadduna waxay runtii ahayd hormuud,” ayuu yidhi Wells.

Hadda, shirkaddu maaha “hoggaamiyaha cusub ee ganacsiga iyo beddelka ciyaarta, laakiin waxaa sii kordhaya tartanka weyn.

Professor Wells ayaa sheegay in shirkadaha kale, sida Nio ee Shiinaha, ay bixiyaan alaab aad loo xiiseeyo, shirkadda BYD ee Shiinaha ayaa sidoo kale ku shaqeysa qaab fiican oo qiimo jaban ah. “Asal ahaan, dunidu waxay la qabsatay Tesla,” Wells ayaa ku daray.

Muddo sanado ah, siyaasad-dejiyeyaasha Shiinaha ayaa u arkayay horumarinta baabuurta korontada fursad ay ku qabsadaan qayb weyn oo ka mid ah suuqa caalamiga ah, waxayna dhiirigeliyeen horumarkooda.

Sida laga soo xigtay falanqeeyahaal madax-bannaan ee baabuurta ka faallooda, tani dhab ahaantii waxay saameyn ku yeelatay Tesla.

Iibka baabuurta korantada ee Jarmalka ayaa aad hoos ugu dhacay seddexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan, iyadoo Tesla ay la kulantay hoos u dhac boqolkiiba 36 ah marka loo eego isla muddadaas 2023-ka.

Su’aashu hadda waxay tahay in Tesla ay dib u heli karto xawaaraha lumay. Maamulaha guud ee shirkadda Elon Musk, ayaa u muuqda in uu rajaynayo in shirkaddu noqoto hormuudka gawaadhida iswada, iyada oo noqonaysa bixiye tagaasida iswada.

“Anigu si buuxda ugama faalloonaayo hadda shirkadda, laakiin horay u socoshada is-wadidu waa tallaabo cad oo cajiib ah,” ayuu bishii hore ku qoray boggiisa X.”

Muddo aad u dheer, Musk wuxuu ka hadlayay suurtagalnimada in la gaaro madaxbannaani buuxda. Tusaale ahaan, 2019-kii wuxuu ballan qaaday in hal sano gudaheed ay jiri doonaan hal milyan oo baabuur oo Tesla ah oo awood u leh inay u shaqeeyaan sidii baabuur iskood isu wada.

Raadinta “is-wadidda buuxda” waxay ku habboon tahay aqoonsiga Tesla oo ah shirkad tignoolajiyadeed, laakiin dadka naqdiya Musk waxay aaminsan yihiin inay tahay kaliya muraayad qiiq ah si ay uga jeediyaan dhibaatooyinka kale.

Dhanka kale, Tesla ayaa hoos u dhigaysa qiimaheeda si ay u kordhiso iibka, iyo sidoo kale dhimista kharashaadka.