Guddida fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

0
79

Hargeysa (Dawan) Guddida fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqayn lahaa Xeerka Saxaafadda Somaliland oo diyaarintiisu ay socoto si loo helo hannaan ay ku wada shaqeyn karaan dhamaan Hay’adaha uu khuseeyo xeerkaasi.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa muddooyinkii danbe waday sidii loo taabo gelinlahaa xeerka Saxaafadda Somaliland.

Guddida fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa wada kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan daneeyayaasha xeerkan, si ay ugu tallo badsadaan.