Hooyada Iyo Saamynta Nolosha Caruurta!

0
67

Markii ay macalimadda cusubi fasalka gashay ayay ku tidhi ardaydii “ Dhamaantiin waan idin jceelahay”. Waxase markiib u muuqday farxadda dhamaan ardayda iyo wiil ardayda ka mid ah oo aad u aamusna oo aanay isaga ka muuqan farxaddaasi.  Wiilkan ayaa lagu magacabaa Teddy Stoddard.  Waxay aragtay inuu inta badan keligi socdo dharakiisna u yahay mid uskagu ku badan yahay.

Macalimadda ayaa markaasi ku dhaqaaqday inay baadho faylasha waxbarashadiisa.  Fasalkiisa Labaad markii ay furtay waxayna kala kulantay iyadoo ay ugu qoran yahay “ Ardayga Teddy waa arday dadaal badan, nadaafad badan, oo aad u maskax badan, shaqo kasta oo loo dirana si dhakhso ayuu u qabtaa” Haddana waxay eegtay faylkii fasalkii sadexaad waxayna aragtay in sidaasi si la mid ah loo amaanayo, laakiin waxa la raaciyay, wuxuse leeyahay waxooga argagax ka dib markii hooyadii uu ku dhacay xanuunka Kansarku.

Markii ay furtay faylkii fasalka 4aad waxa maclinku ugu qoray “ Teddy waa arday isku mashquulsan, oo aan niyad u hayn waxbarashada, mararka qaarkooda wuxu ku seexdaa fasalka” Markaasi ayay fahantay dhibta wiilka haysta. Iyadoo sidaasi u fikiraysa ayuu wiilku  u keenay quraarad cadar ah oo kala badh ah, waxaana uu ku yidhi isku shub waa hadyad aan ku siiyee. Laakiin markay marsatay wakhtigii rawaaxada iyadoo farxasan ayuu si murugo ka muuqto ugu yidhi “ Maanta waxaan dareemayaa faraxad, waayo hooyaday aya cadarkan lahayd oo sidan iigu uri jirtay markay marsato markii ay noolayd” . Macalimada ayaa aad u ilmaysay,  wiilka yarna dhabanada ka dhunkatay , naxariis badana u muujisay. Maalintaasi wixii ka danbeeyay iyad aya u sheegtay inay u buuxin doonto halkii hooyadii. Sidaasi ayay hooyadu muhiim ugu tahay ubadka yaryar oo noloshiisu isu bedlaysaa marka ay dhimato.