“Dhulka Banaan ee Seesaska lagu Xidhay waanu la Wareegayna haddii Cashuurta laga bixin waayo” Maayerka Burco

0
63

Burco (Dawan)  Duqa degmada Burco Mudane Maxamed Xirsi Axmed, ayaa bulshaweynta reer Burco faray inay iska soo bixiyaan cashuurta guryaha, liisamada iyo dhulka ee ku waajibtay.

Maayir Maxamed Xirsi waxa uu sigaara fariin ugu diray muwaadiniinta ay u xidhan yihiin seesaska iyo dayrarka waa weyn ee aan bixin cashuurta, waxaanu ku adkeeyay in muddo bil gudaheed ah ay ku soo bixiyaan, waxaanu xusay haddii ay ku soo bixin waayaan inay la wareegi doonaan isla markaana ay danguud u diwaangelin doonaan.

Geesta kale waxa uu farta ku fiiqay inay jiraan muwaadiniin reer Burco ah oo muddo 24 sannadood ah aan bixin cashuurtii dastuurku kuwaajibiyay, waxaa uu ugu baaqay inay cashuurta soo bixiyaan, waxaanu ugu bushaareeyay in qayb laga dayn doono.

Waxaanu yidhi.“Muwaadin haddii aad dalka gudihiisa joogto, hadaad Burco gudaheeda joogto, waxaanu ku farayna in aad soo bixiso cashuurta kugu waajibtay, hadday tahay tii guryaha, liisamada iyo dhulka bannaanba.

Waxaan sigaara u xusay in seesas waa weyn iyo guryo waa weyn oo la iska xidho lagu leeyahay cashuurtii ku waajibtay.

Cashuurtu waxa la soo bilaabay 2000 imika waa 2024-kii, 24-ka sanadood geerash waa weyn iyo seesas waa weynba waa lagu leeyahay, dadkaasi cashuurtu ku baaqatay cashuurta qayb ayaanu ka daynayna, muddo bil ahna waanu u qabanayna, dhulka aad iska xidhateen dadka kale kama xigtaan waxaanu doono ayaanu sameynayna oo dan guud ayaanu ka dhigeyna haddii aad si deg deg ah u soo bixin weydaan cashuurta idinku waajibtay.”