Astaamaha Madaxda Maraykanka!

0
54

Dalka Maraykanka qaringii 18aad ilaa kii 19aad waxa la aaminsanaa in dadka guran ee bidixda isticmaala inay yihiin dad aan dhamayn oo wax u dhiman yihiin. Madaxweynihii 33 ee Maraykanka Harry Truman (1945-1953) ayaa isna soo saaray sharci ah in ardayda dugsiyada dhigata ee bidixda wax ku qora in lagu khasab inay midigta adeegsadaan oo qoraalka u adeegsadaan.

Sanadkii 1970 ayuu Maraykanku ogolaaday in qofku gacantiisa bidix iyo tan midig hadba ta uu doono uu adeegsan karo. Haddaba Waxa yaab noqotay in labaatankii sano ee u danbeeyay Maraykanka ay musharixiinta madaxaweyne noqdeen 20 qof oo guran.ย  Waxa kale oo jirta in toddobadii madaxweyne ee ugu danbeeyay dalkaasi ay 5 ka mid ahi guranaayeen oo ay isticmaalayeen gacantooda bidix..

Sanadkii 1992 tartankii madaxweynaha ee dhacayย  waxa ka qayb galay saddex nin oo guran oo kala ahaa George H.Bush, Bill Clinton iyo Ross Perot.ย  Sanadkii 2008 waxa tartanka madaxweyna ka qayb galay Obama iyo John McCain oo labadoodu guranaa,

Dalka Maraykanka madaxweynaha talada ku guulasyta maahee kan kale ayaa isna noqda guray bidixda isticmaala. Dalka Maraykanka guud ahaan dadka guran ayaa ah 10%.. Haddana saamiga dadka gurani ay ka heleen jagada madaxweyne ayaa ah mid cajiib ah.ย  Sanadkii 2009, bishii Janauary markii uu xilka la wareegay Obama ee uu ku sexeexay documentigii rasmiga ahaa gacantiisa bidixda waxa uu yidhi :โ€ Anigu guray ayaan ahayn, waxaan isticmaala bidixdaโ€. (anythinglefthanded.co.uk)