Dawladda Hoose ee Berbera oo Bilawday Dib-u-meertaynta Qashinka

0
123

Berbera (Dawan) Dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa bilawday inay dib u meerayso qashinka magaaladda,  oo dhib ku haya Caafimaadka dadkaiyo, bilicda iyo wasakahwga deegaanka

Dawladda hoose ee Berbera ayaa waxa ay keentay mishiino ay kaga faa’iidaysanayso qashinka magaaladda, looguna bedelayo waxyaabo kale oo magaaladda manaafacaad u leh.

Hadda waxa ay maaraysay dawladda hoose ee Berbera caagadaha biyaha laga cabbo oo waxyeelo ku hayay deegaanka, kuwaas oo aan la falgalin carrada, dhibaatona ku ah wax-soo-saarka dalka.

Sidoo kale dawladda hoos ee Berbera ayaa caagadaha biyaha laga cabbo u badelaysa agab la isticmaalo oo waxtar u leh bulshada iyo deegaankaba.

Agaasimaha waaxda arrimaha  bulshada ee dawladda hoose ee Berbera Xasan Cabdi Cali ayaa sheegay in ay hadda ka guurayaan xiligii gubista qashin, isla markaasina ay u guurayaan inay dib u maareeyaan qashinka, kaasi oo ay u bedelayaan agab la isticmaalo.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada dawladda hoose ee Berbera ayaa sheegay inay tani ka mid ahayd hiigsiga dawladda hoose ee Berbera in la helo mishiino dib u meerteeya khashinka magaaladda, kuwaasi oo u badeli kara agab la isticmaali karo.

Agaasimaha ayaa sheegay inay soo iibsadeen mishiino waawayn oo loo isticmaalayo hawshaasi, kuwaasi oo isugu jira kuwo badelay hadhaaga Kalluunka iyo kuwo badelaya caagadaha biyaha laga cabo.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada dawladda hoose ee Berbera ayaa intaasi ku daray inay rabaan inay maareeyaan dhammaan khashinka magaaladda, isla markaasina loo badelo waxyaabo ama agab la istimaalayo.