Maayerka iyo ku-xigeenka Degmada Oodweyne oo xisbiga KULMIYE ku biirey

0
76

Oodweyne (Dawan) Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka koobaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh oo ay hawlo shaqo u tageen.

Dadweyne tiro badan oo reer Oodweyne ah oo ku lebbisan astaamaha xisbiga KULMIYE, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga hor yimi duleedka Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen gudaha magaalada magaalada oo ay kaga qaybgaleen munaasibad ballaadhan oo xisbigu kusoo dhaweynayay maayarka iyo ku-xigeenka degmada Oodweyne  iyo  xubno kamid ah garabka haweenka WADDANI  oo kusoo biiray xisbiga KULMIYE, kana soo digo rogtay xisbiga WADANI.

Munaasibadda xisbigu kusoo dhaweynayey maayarka degmada Oodweyne, mudane Ibraahim Qasaal Rooble iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Maxamuud Macallin Maxamed iyo xubno katirsan garabka haweenka xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminaysay, Marwo Farduus Suudi Cawaale oo kasoo digo rogtay xisbiga WADDANI,  kuna soo biiray KULMIYE, ayaa waxa wefiga kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda dhaqanka ee gobolka, maamulka degmada, midka gobolka, taageerayaal tiro badan oo xisbiga katirsan, madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka, xubno xilal kala duwan ka haya xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.