Shir-guddoonka Guurtida oo ka Tashanaya Xeerka Garyaqaanka Guud ee dowladda

0
70

Hargeysa (Dawan) Shir guddoonka golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay ka arrinsanayaan  Xeerka Garyaqaanka Guud ee dowladda Xeer Lr.89/2019, oo golaha horyaala, isla markaana dhawaan guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, uu udhiibay guddida shuruucda ee golahaasi si ay wax ka beddel iyo kaabis ugu soo sameeyaan, gola weynahana u sooceliyaan.

Hase ahaate fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Mudane Siciid Jaamac Cali, isla markaana  loona balansana in xildhibaanadu waajibaadkooda Dastuuriga ka gutaan gacantana u taagaan si loo meelmariyo Xeerka Garyaqaanka Guud ee dowladda Xeer Lr.89/2019, ayaa guddoomiyuhu waxaa uu mudaneyaasha ku wargeliyay  in guddidii loo saaray xeerka, in Xeerkii oo sidiisi ah ay dib ugu soo celiyeen shirguddoonka,  isla markaana ay isku qabsadeen  xubnaha guddidu, waxaanu intaas ku daray in shir guddoonku go’aan ka gaadhi doonaan.

Geesta kale waxa uu iftiimiyay in xeerku uu leeyahay, lana waafajin doono nidaamkii la mariyay xeerarkii ka horeeyay ee golaha ka baxay.

Waxaanu yidhi.“Mudaneyaal saaka waxa aan sugeynay xeerkii Garyaqaanka guud, halkana waxa naloogu keenay oo la rabay in golaha xildhibaanada loo qaybiyo xeerkii oo sidiisi ah.

Sidoo kale guddidi xeerkan loo diray way kala maqan tahay khilaaf ayaana dhexyaala, marka Shir-guddoonkayaga ayaa dib isugu noqonaya, xeerku xaq ayuu leeyahay, guddida loo dhibeyna waa inay noqoto guddi isku aragtiya oo isku waafaqsan oo aan ku kala jabneyn, marka Shir-guddoonkayaga ayaa dib isugu noqonaya anaga ayaa go’aan ka soo saarayna goluhuna maanta sidaasi ayuu fasax ku yahay waa inoo berri haddii ILLAAHEY yidhaahdo”.