Bukaanada Iyo Xarumaha Cilaajyada!

0
57

Qarnigii 19aad cilmiga caafimaadku aad ayu koobnaa waxaana  aad u sareeyay  khurafaadka iyo in xanuunada laga aaminsana inay Jimanka iyo shayaadiintu keenaan.

Yurub goobo caafimaad oo kala duwan ayay iska furan jireen dad ku shaqaysanaya oo aqoon caafimaad lahayn, Waxa kale oo jiray shirkado samaynayay dawooyin ay sheegeen inay caafimaadka wax ka taraan. Waxaana ka mid ah daawooyin la siin jiray caruurta huradadu ku yaraato.

Dawooyinkaasi suuq weyn ayay heleen sebenkaasi. Waxaana la ogaaday wakhti danbe inay ka kooban yihiin daroogada Morphine iyo maandooriye kale.  Iyagoo sababay inay burburiyaan unugyada maskaxda ee caruurta.

Waxa kale oo wakhtigaasi jiray in bukaanada uu ku dhaco xanuunka macaanku lagu dawayn jiray goobo cilaajyo ah kuwaasi oo siin jiray jimcsiyo kala dawan oo adag isla markaana fari jiray inay fadhiistaan cadceeda mudoo dheer.

Arintan ayaa iyana keentay in bukaano badani ay u dhintaan dawaynta aan cilmiga ku dhisnayn. Laakiin wakhtigan weli dunida waxa jira goobo khurafaadku aad ugu badan yahay oo qof kasta oo oo loo geeyo ku sheega inuu Jin derderay oo u baahan Cilaaj. Cilaajyada waxa haysta dad u furtay keliya inay ka helaan lacag. Kuwaasi oo biyo ku rusheeya isla markaana qalab koronto ah ku qabta.  Goobahani malaha shaybaadho cadaynaya xanuunka qofka haya laakiin waxa keliya ee lagu shaqaynaya waa khurafaadka ah in JInku derderay ama la cawryay.