Daacadda Ayaa Ah Dariiqa Guusha!

0
60

Selena Avalos oo degan gobolka Califronia ee Maraykanka ayaa huteelada Dominoโ€™s Pizza ka dalbatay inay u keenaan cunto digaag ah. Laakiin markii rashinkaasi oo safaari xidhan ahaa loo keenay ee ay furtay si u cunto waxay kala kulntay arrin yaab leh.

Safaariga xidhan waxa ku jiray lacag dhan $ 5000 doller. Selena ayaa telefoon kula hadashay huteelada Dominoโ€™s Pizzaย  iyadoo u sheegtay inay ka dalbatay digaag laakiin loo soo xidhay safaari ay ku jriraan 5 kun oo doller. Maamulaha huteelka ayaa codsaday in lacagataas loo celiyo isla markaana loo geyo Diigaga ay dalbatay waxayna ahayd khalad dhacay.

Laakiin huteelka ayaa abaal marin u siiyaay in gabadha Selena Avalos ay muddo sanad ah huteelada Dominoโ€™s Pizza lacag laโ€™aan wax kaga cuni karto. Waxa kale oo fasax todobaad ah siiyay xaruntii ay ka shaqaynaysa oo iyana u riyaaqday daacadnimada Selena.