“Sannadkani Inta Aanu Dhamaan Ayaad Arki Doontaan Laamiga Jidka Boorama Ilaa Jabuuti”

0
56

Boon (Dawan) Mareeyaha Hay’adda Wadooyinka Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahim ayaa sheegay in sanadkan gudihiis ay rajaynayaan inay soo gebo’gabawdo jidka isku xidha Boorama iyo Jabuuti.

Mareeyaha Hay’adda Wadooyinka oo ka qayb qaadanayay koremeer ay ku marayeen deegaanada Galbeedka Somaliland wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha Somaliland ahna murashaxa jagada madaxwayne ku xigeen ee Xibiga Kulmiye ayaa bulshada degmada boon ugu bushaareeyay inay arki doonaa laamayda oo dhex maraysa magaaladooda.

Mareeyaha Hay’adda Wadooyinka ayaa intaasi ku daray in ay dhamaadeen dhamaan daraasadii jidkaasi oo la bilaabay qaybtii labaad ee dhigista laamayda, waxaanu xusay in jidkan u uku suntan yahay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu dhagax dhigay qaybtii koowaad ee daraasada.

Mareeye Mawliid Nuux Ibraahim ayaa bulshada degmada Boon ee gobolka Selel uga waramay faa’iidad ay ka dhaxli doonaa marka la dhamaystiro jidkaasi ee oo magaaladda Boon dhex maro, waxaanu u sheegay inay heli doonaa waxyaabo badan isla markaasina ay u fududaan doonto isku socodka magaalooyinka.

Mareeyaha Wadooyinka ayaa xusay in qaybta labaad ee jidka Boorama ilaa Jabuuti uu ka bilaabmayo magaaladda Boon, waxaanu intaasi ku daray in uu jidkani ka qayb qaadan doono kobcinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada degmada Boon waxaanu yidhi

“waxaan ku soo noqon doonaa wadadii ka imanaysay Jabuuti soona maraysay Degmadan Boon, wadadaasi waa gebo’gabo, waxaad had iyo jeer meelahaasi ka maqashaan warar aan sugnayn, laakiin waa wax aanu cid la wadaagayno oo wadadaasi dhawaan way bilaabmaysaa sida ugu dhakhsaha badan.

Way bilaabantay qaybihii koowaad, qaybaha labaadna waxay ka bilaabmi doonaa magaaladda Boon, sanadkan inta aanu dhamaan waxa aanu rajaynaynaa in aad laamayda soo mar doonta aad aragtaan”.